Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Doorashada Madaxweynaha Galmudug ee garabka DFS oo goor-dhaw bilaabanaysa
    Somalia

    Doorashada Madaxweynaha Galmudug ee garabka DFS oo goor-dhaw bilaabanaysa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 2, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaaa Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ka bilaabaysa goor-dhaw Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Galmudug ee garabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ay ku tartamayaan 9 musharax.

    Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa ku qulqulaya hoolka Doorashada, waxaana sidoo kale aad loo adkeeyay ammaanka halka Doorashadu ay ka dhacayso iyo waddooyinka soo gala, iyadoona lagu arkayo Ciidamo ay horey Dowladda Federaalku u geysay.

    Musharixiinta Madaxweynaha galmudug ku tartamaya oo gaaraya Afar ayaa waxaa ay kala yiiin, Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor), Cabdiraxman Axmed Sabriye, Axmed Shire Maxamed (falagle), iyo Axmed Cabdullaahi Samater.

    Sidoo kale, 5 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug,kuwaas oo lagu kaal Magacaabo, Cali Daahir Ciid, Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), Saadaq Cabdullaahi Xaashi, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) iyo Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.

    Doorashada maanta ka dhaceysa Magaalada dhuusamareeb oo ay wado dowladda Soomaaliya ayaa waxaa diidey,Hoggaanka Ahlusunna,Madaxweyne Xaaf iyo Afar Musharax oo aan is diiwangelin,hayeeshee Guddiga doorashada ay sheegeen in maanta la qabanayo.

    Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.