Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Doorashada soo socota Ee Turkiga oo mucaaradku u midoobey Erdogan
    Somalia

    Doorashada soo socota Ee Turkiga oo mucaaradku u midoobey Erdogan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 7, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mucaaradka Turkey ayaa soo afjaray bilo dood kulul ah Isniintii, waxayna isku raaceen inay madaxa xisbiga calmaaniga ee ugu weyn u magacaabaan musharaxa ka hortagaya madaxweyne Erdogan, doorashada dhaceysa 14-ka May.

    Heshiis la gaaray xilli dambe oo looga dan leeyahay in laga weecdo kala jab ku yimaada codka mucaaradka ayaa ka dhigan in madaxa xisbiga CHP, Kemal Kilicdaroglu uu labada duq ee magaalooyinka Istanbul iyo Ankara u magacaabo madaxweyne ku-xigeeno haddii ay soo afjaraan 20 sano oo xukunka Erdogan ah.

    “Waa na laga adkaan lahaa haddii aan kala jabi laheyn,” ayuu Kilicdaroglu u sheegay dadweyne badan oo isugu soo baay inay taageeraan saacado markii heshiiska lagu dhowaaqay.

    Erdogan ayaa wajahaya dagaal siyaasadeedkii ugu adkaa noloshiisa, ayada oo ay dhaceyso doorasho ay qaar badan u arkaan middi ugu cawaaqibka weyneyd ee taariikhda aas-aaska Jamhuuriyadda Turkey 100 sano kahor.

    Hoggaamiyaha 68 jirka ah ayaa u baahnaan doono inuu ka adkaado caqabado badan, oo ay ka mid yihiin xasarad dhaqaale iyo dhul-gariir gaystay burbur xooggan.

    Codadka ra’yiga ayaa muujinaya tartan aad la isugu dhow yahay, oo ay adag tahay in la saadaaliyo cidda ku guuleysaneysa.

    Hase yeeshee, xaaladda Erdogan ayaa u muuqatay inay fududaatay markii mid ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradka ka kooban lixda xisbi ay Jimcihii ka baxday wada-hadallada isbaheysiga.

    Meral Aksener ayaa ku dooday in Kilicdaroglu — oo ah 74 jir afgaaban oo kasoo jeedo bulshada la liido ee Alevi — uusan haysan taageero shacbiyad oo uu kaga adkaado Erdogan.

    Waxay ku adkeysatay in mid ka mid ah labada duq ee magaalo ee caanka ah ee Istanbul iyo Ankara, oo ka tirsan xisbiga CHP loo doorto inay ka hortagaan Erdogan.

    Labada duq ayaa Isniintii la kulmay Aksener si ay xisbigeeda Iyi Party ee ugu soo celiyaan xeendabka mucaaradka.

    “Dalkeena uma dulqaadan karo kala jab,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay duqa magaalada Ankara, Mansur Yavas kadib kulanka.

    Mucaaradka ayaa markii ugu dambeysay u midoobay Erdogan doorashooyinkii dowladaha hoose ee 2019, si ay uga adkaadaan xulufada Erdogan.

    Awooddii ay ku qabsadeen maamulka labada magaalo ee ugu weyn Turkey ayaa meesha ka saartay dareenkii ahaa in Erdogan aan laga adkaan karin, waxayna dhabbaha u xaartay suurta-galnimada inuu xukunka dib ugu soo laabto xisbiga aas-aasihii Turkey Mustafa Kemal Ataturk.

    Hase yeeshee Kilicdaroglu ayaa doonayey in Yavas iyo duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu ay sii hayaan xilalkooda si looga fogaado halista ah in maamulka labada magaalo uu dib gacanta ugu galo xisbiga Islaamiga ah ee Erdogan.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.