Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Doorasho qof iyo cod ah inay Soomaaliya ka dhacdo 2020/2021 waa Riyo Maalmeed! (Faallo)
    Somalia

    Doorasho qof iyo cod ah inay Soomaaliya ka dhacdo 2020/2021 waa Riyo Maalmeed! (Faallo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 25, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muddo xileedka xukuumadda waxaa ka haray hal sano iyo labo bilood, waxaa looga fadhiyaa oo waajib saraan oo dastuuri ah inay xiligeeda ku qabato doorasho oo loo tartamo hogaanka dalka.

    Shacabka, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka intaba ma teegeersana in xukuumadda ay sameeyso muddo korarsi, maxaa yeelay arintaas waxa ay sawir aan wanaagsaneen ka bixineeysaa dowladnimada Soomaaliya. Waxaa ka dhalan kara foowdo siyaasadeed oo keeni karta dib u dhac iyo bur-bur hor leh.

    Waxaa sida qoraxda u cadahay oo kale u cad in suurtogal aysan ahayn xiligaan oo hal sano u hartay xukuumadda in la qabto doorasho guud ahaan dalka ah oo qof iyo cod ah sidoo kalana ah xor iyo xalaal.

    Arrimaha muhiimka ah oo ay tahay in la qabto si dalka uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah waxaa kamid ah in amaanka dalka wax laga qabto, in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka qabyadda ah, in la ansixiyo sharciyo ay ka mid yihiin sharciga doorashadda, sharciga axsaabta iyo sharciga jinsiyadda iyo in heshiis siyaasadeed ay gaaraan Dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda.

    Amniga dalka oo ah waxa ugu muhiimsan oo ay tahay in wax laga qabto si doorasho amni ah u dhacdo faraha ayuu kasii baxay, goobo badan oo dalka kamid ah xor ma aha oo gacanta Dowladda kuma jiraan, waxaa la ogyahay in dhibaatooyin dil iyo dhaawac isugu jira loo geeystay qaar kamid ah ergadii soo dooratay barlamaanka doorashadii 2016.

    Dowlad la tacaaleeysaa jidka Makka Al-mukaramah iyo eeriyada Madaxtooyada oo naf ka raadineeysa Ganjeelo lagu xiro jid cadayaasha xaafadaha Xamar xiligan ma sugi karto amaanka cod-bixiyaasha si doorasho amni ah ay uga dhacdo dalka 2020/2021.

    Dastuurka oo wax badan kala hagi lahaa dib u eegis laguma sameeyn, nooca Federaal ee la qaadanayo ma cada, nidaamka doorashada lagu galayo ma cada, ma nidaamka 4.5 ayaa lagu sii dhaqmi mise waxaa loo gudbi nidaamka xisbiyada. Arimahaas iyo kuwa kalaba kalama cada.Tirokoob dadweeyne lama sameeyn, diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha iyana lama sameyn, dhaqaalihi howlahaas lagu fulin lahaa lama hayo sidoo kale majirto Maxkamada Dastuuriga ee kala saari laheed wixi is qabqabsi ah ee kayimaada natiijada doorashooyinka.

    Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka oo marar badan ku celceliya doorasho qof iyo cod ah ayaa dalka laga qaban 2020/2021 waa inay ka toosaan riyo maalmeedka ay ku jiraan. Waxaa la gaaray xiligii laga run sheegi lahaa caqabadaha horyaala doorasho qof iyo cod ah inay dhacdo umadda Soomaaliyeed na loo soo bandhigo nooca doorasho ee xiligaan ku haboon, oo suurta galin karta in si daahfuran loogu tartamo hogaanka dalka.

    Waxaa jira talooyin ku aadan nooca doorasho ee xiligaan ku haboon  Soomaaliya oo ay soo jeediyeen khuburada ku xeel dheer Arimaha Doorashooyinka, Dowladda waxaa laga rabaa inay dhageeysato talooyinkaas lana timaado nooc doorasho oo heshiis lagu wada yahay oo ku haboon waaqica jira.


    W/Q: Cabdullahi Xasan Maxamed (C/llaahi Samoow)
    Abdullaahisamoow@gmail.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.