Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ma la joogaa xilliggii aan dib u eegi lahayn raadinta Qaran Somaliyed oo mid ah hadaan nahay reer PL ??
    Somalia

    Ma la joogaa xilliggii aan dib u eegi lahayn raadinta Qaran Somaliyed oo mid ah hadaan nahay reer PL ??

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 29, 2023Updated:October 29, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ka hor Dhismihii Dowlada PL,waxay Dadkii Gobolladii Waqooyi Bari Somaliya ee markaas ay Siyaasada ku matalayeen SSDF iyo SNDU hormuud xoog leh ka ahaayeen Shirar layskugu dayay in dib loogu yagleelo Qarankii burburay,waxaana ugu waa weynaa…

    1.Shirkii Jabuti ee Cali Mahdi lagu soo dhisay.

    2.Shirkii Xamar ee Caydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf.

    3.Shirkii Soodaree.

    4.Shirkii Qaahira.

    Kadib dhismihii PL oo uu MW-ka noqday Cabdullaahi Yuusuf Axmed,waxay Shaqooyinkii hor tabinta ulahaa ka dhigatay helida Dowlad Somaliyed,waana mida keentay in la abaabulo Shirarkii Ceel dooreed iyo Imbagaati.

    Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf,waxuu noqday Madaxweynihii Dowladii Fadaraalka kmg ahayd ee ka dhalatay Shirkii Kenya loo fadhiyay mudada 2-da Sano ahayd.

    Madaxweynihii ka horeeyay isaga ee lagu soo dhisay Carta Jabuti Cabdiqaasim Salaad wuu dhaafin waayay Hoygii uu ka deganaa Muqdisho Dowladnimadii,taasoo ka dhigtay Dowladiisii mid hana qaadi wayday,isagoo waliba Beeshiisu ay ahayd Dadkii ugu badnaa ee markaas joogay Muqdisho.

    Dhismihii Xukuumadii kadib Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf,waxuu toos ugu soo duulay PL,isaga iyo Dowladiisa,waxaana loogu sameeyay soo dhaweyn aad usaraysay oo taariikhda gashay.

    Kadib booqashadaas MW Cabdullaahi Yuusuf,waxuu codsaday in la garabgalo,waxuuna ka helay PL hiil iyo hoo buuxa,iyadoo lagu kabay 5000-oo Askari iyo Miisaaniyadii PL oo looga jaray Qoondo xoog leh oo dhaqaale.

    PL intaas kaliya kuma aysan harin ee Habeen iyo Maalin,waxay sii waday taageerada Dowladii TFG,haday noqon lahayd kasoo guuridii Kenya,degidii Jowhar,uguuristii Baydhabo iyo fariisintii Villa Somaliya iyo ugu danbayntii xasilintii Caasimada iyo baahintii Dowladnimada.

    Ma la joogaa xilliggii aan dib u eegi lahayn raadinta Qaran Somaliyed oo mid ah hadaan nahay reer PL ??

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.