Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlada Fadaraalka oo diyaarinaysa hawlgal Ciidan oo Jubaland ka dhan ah
    Somalia

    Dowlada Fadaraalka oo diyaarinaysa hawlgal Ciidan oo Jubaland ka dhan ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 23, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciiidamada nabad ilaalinta ee midowga afrika ayaa sheegay in ay qorsheenayaan bilaabida weeraro ay ku qaadaan goobaha ay dagaalamyaasha A-shabaab ka suganyihiin gudaha dalka.

    Hawlagaldan ayaa lagu wadaa sida ay Amisom sheegtay in laga fuliyo goobaha ay Al-shabaab kaga suganyihiin gobolka jubadda dhexe waxaana hawlgaladaasi si wadajir ah u fulinayo sida uu qorshuhu yahay ciidamada maamul gobaleedka Jubbaland kuwa faderaalka iyo kuwa nabad ilaalinta midowga afrika.waxuuna bilaaban doonaa bilowga sanadka cusub ee 2019.

    Saraakiil Amisom

    Sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Amisom Col Richard Omwega, hawlgalkan ayaa qayb ka ah qorshaha xaalada galaguurka ay amisom dalka kaga baxayso amnigana ay gacanta ugu galinayso Dowlada Fadaraalka Soomaaliya.

    Afhayeenka Amisom

    Afhayeenka ciidamada Amisom ayaa sidoo kale sheegay in hawl-galkan cusub ay qaadayaan uu gogol xaar u noqon doono in 2020 ay Soomaaliya ka dhacdo doorashooyin guud oo si nabad galya ah loo qabto.

    Khariirada guud ahaan Somaliya

    Gobolada maamulka Jubaland,gaar ahaan Gobolka Jubadda dhexe,ayaa ah Gobol udub dhexaad u ah qorshaha ka sifaynta Alshabaab ee Guud ahaan dhulka Somaliya.

    Gobolka,ayaa xuduud la wadaagaa gobolada Gedo, Bay, Shabeelada Hoose, iyo Badweynta Hindiya waana gobolka keliya ee ay Al-shabaab gacanta kuwada hayaan.kuna sugan yihiin madaxdooda ugu saraysa.

    Qaramada midoobey

    Qaraarkii kasoo baxay golaha amaanka ee QM ee sanadkii 2017 ee tirsigiisu ahaa 2372,ayaa dhigaya in dhamaan ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee gaaraya 21,626 gabi ahaan ay Somaliya ka bixi doonaan markii lagaaro sanada 2020.

    Madaxweyne Axmed Madoobe iyo madaxa Midowga Africa Somaliya

    Dhanka kale qorshahan,waxaa shaki xoog leh ka muujiyay maamulka Jubaland.

    Ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa warbaahinta idilnews usheegay in qorshahan oo horay loo diyaariyay ay hada marin habaabisay Vila Somaliya,waxayna rabtaa in ay uga faa’idaysato hawlgalkan sidii ay uga fara maroojin lahayd Jubaland Madaxweyne Axmed Madoobe.

    ”Qorshaha ay wadato Villa Somaliya waxuu yahay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata magaca Midowga Africa ay hawlgalka qayb ka noqdaan iyo Maleeshiyo magaca Dowlada Fadaraalka ah la huwiyay oo kasoo jeeda Gobolka Gedo,gaar ahaan beesha Mareexaan”ayuu yiri mid ka mid ah masuuliyiinta xogta nala wadaagay.

    Ciidamada itoobiya ee jooga Somaliya

    ”Qorshaha,ayaa ah in Madaxweyne Axmed Madoobe laga faramaroojiyo hogaaminta jubaland,iyadoo loogu gabanayo hawlgalka midowga Africa ee sifaynta Alshabaab”ayuu yiri masuul kale oo ana la xiriirnay.

    Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaan wali la gaarin xiligii uu dhamaan lahaa mudo xileedkiisii loo igmaday,iyadoo lawada ogsoon yahay in si sharci ah loogu doortay hogaaminta Jubaland kadib ka xorayntii Alshabaab ee jubaland.

    Farmaajo iyo Fahad yaasiin

    Isku soo wada duuboo Dowlada Fadaraalka oo xiligan gacanta ugu jirta koox yar,ayaa weerar siyaasadeed khatar badan laga muujiyay ku haysa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.