Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlada Fadaraalka oo hor istaagtay Gar-gaarka Bini’aadantinimo Ee Dadka reer Sool
    Somalia

    Dowlada Fadaraalka oo hor istaagtay Gar-gaarka Bini’aadantinimo Ee Dadka reer Sool

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 15, 2023Updated:September 15, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta Masiibooyinka Puntland waxay abaabushay Hay’adaha ka hawlgala Garowe in ay tagaan Laascaanood si ay u soo qiimeeyaan baahiyaha biniaadantinimo ee ka jirta Laascaanood.

    Ujeedka loo abaabulay,ayaa ahaa in Dadka Laascaanood gurmad deg-deg ah la gaarsiiyo.

    Qiimaynta hay’adaha kadib, hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Puntland ayaa iyagana qorsheeyay inay soo qiimeeyaan amaanka Laascaanood, qiimayntaas waxaa hogaaminaysay United Nations Department of Safety and Security (UNDSS) Garowe, ujeedka qiimaynta amniga waxay ahayd in la soo hubiyo in shaqaalaha QM ay tagi karaan magaalada Laascaanood.

    Kooxda amniga soo qiimaynaysay waxay la kulmeen Duqa magaalada Laascaanood iyo Firdhiye,iyagoo soo xaqiijiyay amniga Magaaladu in uu wanaagsan yahay oo ay tagi karaan Hay’adaha QM.

    Balse halkaa markay marayso,ayay SL ogaatay hawlgalka,waxayna toos ula xiriirtay DFS, gaar ahaan Ra’isalwasaare ku xigeenka, isaguna waxuu la hadlay UNSOM.

    Ra’usalwasaare xigeenku,waxuu dood ka dhigtay in Dhulkaas laysku haysto oo xaalad colaadeed ka taagan tahay loogana danbeeyo DFS, waxii talaabo ah oo la qaadayo.

    Ninka haysta Xaafiiska QM ee Garowe iyo madaxw haydda UNDSS Garowe ,ayaa isku dayay in uu difaacaan gurmadka Dadka LC loo samayn lahaa iyo joogista kooxda amniga qiimaynaysa Magaalada Laascaanood,balse waxaa loogu hanjabay in Dalka laga saarayo hadii aysan soo celin kooxda qiimaynta amniga.

    Sidoo kale SL,ayaa ugu hanjabtay in Hargeysa ay ka saarayaan Shaqaalaha QM hadaan deg deg loo joojin qiimaynta amniga ee Hay’adaha QM Garowe fadhigoodu yahay.

    Gurmadkii Dadka Laascaanood, waxaa sidaa ku hor istaagtay DFS ee Xasan Shiikh uu hogaaminayo.

    Si kastooy tahay PL,waxay qabanqaabinaysaa Shirweyne Beesha Caalamku iskugu imaanayso oo Garowe ka qabsoomaya 18-ka Bishan,kaasoo looga xaajoonayo gurmadka Shacabka Sool.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.