Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlada iyo Mucaaradka Kenya oo markale isfahmi waayay
    Somalia

    Dowlada iyo Mucaaradka Kenya oo markale isfahmi waayay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 1, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wadahadallo laba geesood ah oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya mucaaradka Kenya iyo dowladda madaxweyne William Ruto ayaa hakad la geliyay muddo aan la cayimin, sida uu Arbacadii sheegay madaxa wadahadalladaasi.

    Wadahadallada ayaa la hakiyay kadib markii dowladdu ay ku guuldareysatay inay buuxiso dalabaadka mucaaradka, sida uu sheegay Otiende Amollo, oo ah guddoomiyaha wadahadallada labada dhinac.

    Isbaheysiga mucaaradka Azimio La Umoja ee uu hogaamiyo hoggaamiyaha rug cadaaga Raila Odinga ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyay isbaheysiga uu hogaamiyo Ruto ee Kenya Kwanza (Kenya First).

    Odinga ayaa hor kacayay mudaaharaadyo toddobaadkiiba laba jeer socday oo bilaabmay bishii March kaas oo lagaga cabanayay qiimaha maciishada iyo wax isdaba marin lagu eedeeyay doorashadii sannadkii hore.

    Dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda ayaa la hakiyay horraantii bishan kadib markii isbaheysiga mucaaradka ay sheegeen in isbaheysiga talada haya ay oggolaadeen mid ka mid ah dalabaadkooda.

     

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.