Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlada Netanyahu oo ay iskugu hareen Wasiiro Mayal adag
    Somalia

    Dowlada Netanyahu oo ay iskugu hareen Wasiiro Mayal adag

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 10, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Benny Gants oo ka mid ahaa Wasiirrada xukuumadda dagaalka ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu,ayaa Axaddii shalay is casilay, tallaabadaasi oo cadaadiska ku sii kordhineysa Netanyahu.

    Gants,ayaa ahaa xubinta kaliyah ee Xisbiyada siyaasaddoodu dhex-dhexaadka tahay ee ku jiray xakuumadda ay majaraha u hayaan isbaheysiga midigta fog ee Isra’il. Waxa uu xukuumaddani ka tirsanaa tan iyo inti uu billowday dagaalka Qasa muddo hadda laga joogo Siddeed Bilood.

    Is casilaadda Gants,ayaanan khatar deg deg ah hadda ku aheyn dowladda Israa’il, hase yeeshee yeelan karta cawaaqib halis ah, isla markaana ka dhigtay xukuumadda Israa’iil ee hadda jirta mid ay isugu soo hareen Wasiirro gabigoodba ah kuwo mayal adag oo si aada ah u jira dhinaca Midigta fog.

    Benny Gants,ayaa horay uga digay is casilaadiisa haddii uusan Natanyahu la iman istaraatiijiyad cad oo ku aaddan Gaza, xilli Isra’il ay sii wadday dagaal millatari oo ay ku dishay tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

    Netanyahu ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada oo uu uga jawaabayay is cazillaadda Gans ku sheegay, in aanan hadda la joogin waqti laga tago dagaalka.

     

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.