Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlada Puntland oo baaq kasoo saartay dagaalka Saaxo Ee Mudug
    Somalia

    Dowlada Puntland oo baaq kasoo saartay dagaalka Saaxo Ee Mudug

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 3, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WAR-SAXAAFADEED | BAAQ NABADGELYO :

    Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ahmed E. Osman Karaash oo ku hadlaya Afka dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa marka hore uga tacsiyeeyey ehelada labada dhinacba dadkii ku dhintay dagaal beeleedkii ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug isaga oo inta dhaawaca ahna Ebbe uga rajeeyey caafimaad.

    Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ugu baaqay labada dhinacba inay u hoggaansamaan dedaalada Nabadgelyo ee socda oo ay ugu horayso dhaqan gelinta xabad joojin shuruud la’aan ah islamarkaana ay ka dheeraadaan wax kasta oo sii hurinkara colaada.

    Talaabooyinka dowladdu qaaday.

    1. Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee dowladda ka saaraan illaalinta Nabadgelyada iyo wada noolaanshaha bulshada, waxay khadka Taleefanka ku wada hadleen Madaxweynaha dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ay isla garteen in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo xakamayn lahaa colaadaas, in labada dowladood diraan guddiyo taga deegaanadaas iyo soo celinta xasiloonidii deegaanka.

    2- Dowladdu waxay magacowday guddi Wasiiro ah oo kala ah.

    -Wasiirka Gargaarka
    -Wasiirka Cadaalada
    -Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka
    -Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada.

    si ay udub dhexaad ugu noqdaan hirgelinta nabada iyo sidii looga dheeraan lahaa dhib kale oo halkaasi ka dhaca.

    3- Ciidamada isku dhafka ah ee gobolka Mudug oo la kala dhex dhigay Beelihii Dirirtu dhexmartay.

    Ugu damabayn Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa faray Ciidamada isku dhafka ah ee halkaasi ku sugan iyo Ciidamada kale ee Amniga inay xoojiyaan hawl-galada lagu xaqiijinayo Amniga deegaanka, isaga oo ku bogaadiyey doorkooda Wanaagsan ee ay qaateen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.