Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlada Somaliya Oo ka carootay warbixinta Bisha Cas
    Somalia

    Dowlada Somaliya Oo ka carootay warbixinta Bisha Cas

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 1, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay war ku aadan weerarkii sabtidii ka dhacay Ex-Control Afgooye 28-kii December, oo kasoo baxay hay’adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC & SRCS) Soomaaliya.

    Maxamed Ibraahim oo ah kormeera hawlgallada ICRC ee caasimadda Soomaaliya ayaa qoraal shalay usoo saaray ku yiri “Dhab ahaantii aad ayaan uga naxnay weerarkan. Mar labaad, shacabka ayaa ah kuwa ku dhacaya cawaaqibka iska-horimaadka mana ahan wax la aqbali karo. Waxaan jecel nahay inaan xusuusino dhammaan dhinacyada ku lugta leh iska-horimaadka inay ka digtoonaadaan dadka rayidka ah. Waa in la dhowraa. Waa in la badbaadiyo.”

    Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in qoraalkaas Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC & SRCS) Soomaaliya, “uu weerarkii iyo Xasuuqii 28 Dec 2019 argagixisadu kusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed ku tilmaamay Iska hor imaad u dhexeeyay laba dhinac.”

    Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa tiri “Warka ka soo baxay ICRC iyo SRCS wuxuu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay guud ahaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Argagixisadu soo weerartay gaar ahaana dadkii ku Waxyeeloobay oo u badnaa Arday, caruur iyo hooyooyin iyagoo aan waxba galabsan Argagixisadu Xasuuq u geysatay.”

    Qoraalka ayaa intaas ku daray “Hay’adaha ICRC iyo SRCS iyo hay’adaha lamidka ah waxaan usoo jeedineynaa inay kala saaraan Ereyada dhiirrigelinta u ah Argagixisada iyo ka hadalka dhibaatooyinka dhaca, maxaa yeelay hadalka Kasoo baxay labadaas hay’adood wuxuu marin habaabin ku sameynayaa muuqaalkii uu lahaa Weerarkii Argagixiso ee 28/12/2019.”

    Dowladda waxay sheegtay inay “xadgudub tahay in argagixiso u taagan xasuuqa shacabka la barbar dhigo Dawladda Soomaaliya oo ficilla dooda loo yeelo waji wanaagsan.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.