Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya oo warar is khilaafsan kasoo saaray Duqeyn ka dhacday Duleedka Kismaayo
    Somalia

    Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya oo warar is khilaafsan kasoo saaray Duqeyn ka dhacday Duleedka Kismaayo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 18, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaan duleedka ka ah Magalada Kismaayo ee   Gobolka Jubbada Hoose.

    Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya  ay 17-kii Bishaan oo shalay ku beegneyd ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaan Waqooyi Galbeed ka xiga Magalada Kismaayo,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab.

    Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen laba Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana weerarkaas ay  ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya,hayeshee aysan wax ku noqon dad rayid ah.

    Ugu dambeyn Warka AFRICOM ayaa lagu soo geba-gabeeyay in Mareykanka uu sii wadi doono duqeymaha uu la beegsanayo saldhigyada Al-Shabaab ilaa iyo inta Mas’uuliyadda amniga dalka ay ugu wareejinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada.

    Dhinaca kale Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa weerarkaas kasoo saaray war ka duwan kan Mareykanka,waxaana taliyaha Ciidamada xoogga dalka uu sheegay inay weerarkasi oo ka dhacay deegaanka Bandar-Jadiid oo u dhow Buundada Araare ay ku dileen 15 Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab halka mid ka mid ah ay nolosha kusoo qabteen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.