Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo heshiis kala saxiixday
    Somalia

    Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo heshiis kala saxiixday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 4, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe)  iyo wasiiru Dowlaha difaaca dalka Uganda Charles Okello Engola ayaa todobaadkaan yeeshay kulan ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka difaaca ee labada dal.

    Shabakada Wararka  ee dalka Uganda ayaa qortay in labada mas’uul ay isla qaateen inay labada dal wada saxiixdaan heshiis isfaham oo dhabaha u xaari doona in Ciidanka Uganda ay tababar siiyaan Ciidanka Soomaaliya sida Millateriga Mareykanka iyo kuwa Turkiga u tababaraan Ciidanka Soomaaliya.

    Kuxigeenka Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa sheegay in labada mas’uul ay go’aamiyeen baahida loo qabo inay kala saxiixdaan heshiis ku saabsan in Ciidanka Uganda ay Ciidanka Soomaaliya siiyaan taageero dheeraad ah oo la xiriirta dhinaca tababarada.

    Sidoo kale labada Wasiir ayaa waxaa ay kala saxiixdeen heshiis dheeraad ah oo Ciidanka Uganda siinaya inay awood dheeraad ah siiyaan Ciidamada Soomaaliya si ay u qaadaan mas’uuliyada Ammaanka dalka Soomaaliya.

    Dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya u jooga Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca AMISOM,waxaana ay horay dalkeeda ugu soo tababartay Ciidamo farabadan oo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.