Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladaha Sweden iyo Iran oo is-dhaafsaday maxaabiis ay muddo Sannado ah kala hayeen.
    Somalia

    Dowladaha Sweden iyo Iran oo is-dhaafsaday maxaabiis ay muddo Sannado ah kala hayeen.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 16, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladaha Sweden iyo Iran,ayaa Sabtidi shalay is-dhaafsaday maxaabiis ay muddo Sannado ah kala hayeen.

    Sweden,ayaa sii deysay sarkaal hore oo Irani ah oo lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa dil wadareed dhacay sanadihii 1980-meeyadii, halka ay Iran sii deysay laba qof oo Swedish ah oo halkaas ku xirnaa.

    Isdhaafsiga maxaabiista ayaa waxaa dhexdhexaadisay dowladda Cumaan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in dadagaalka Cummaarn uu keenay in labada dhinac ay ku heshiiyaan sii deenta dadka ay iska hayeen.

    Cuman waxay kaloo sheegtay in muwaadiniinta la is-dhaafsaday laga soo kala wareejiyay Tehran iyo Stockholm.

    Sweden,ayaa sii daayay Haamid Nuuri, oo lagu helay dambi ah inuu qayb ka ahaa dil wadareed oo lagu fuliyay maxaabiista siyaasadda ee Iran sanadkii 1988.

    Wakaalada wararka ee Iran ayaa baahisay muuqaalka Noury oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Mehrabad ee Tehran halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen qoyskiisa roog cas, gelinkii danbe ee shalay.

    Dhinaca kale, Muwaadiniinta Swedishka ah ee kala ah Johan Floderus iyo Saciid Caziizi, oo ku xirnaa Iran, ayaa la sii daayay, waxaana dib loogu celiyay Sweden oo ay soo gaareen galinkii dambe ee Sabtidii.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.