Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladaha Turkiga iyo Iran oo weeraro ku qaaday Xoogaga Kurdida.
    Somalia

    Dowladaha Turkiga iyo Iran oo weeraro ku qaaday Xoogaga Kurdida.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    BAGHDAD (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga ayaa shaaciyey in ciidamada Turkiga iyo Iran ay Isniintii shalay weerar wadajir ah ku qaadeen xarumaha xoogaga Kurdida ee loo yaqaan PKK oo ku sugan xaduuda u dhaxeysa labadaasi dal.

    Suleyman Soylu Wasiirka arrimaha Gudaha Turkiga wax faah faahin ah kama bixin hawlgalkaasi oo noqonaya kii ugu horeeyey oo ay si wadajir ah u sameeyaan labadaasi dal ee jaarka ah.

    Xoogaga Kurdida ee ku sugan xaduuda u dhaxeysa dalalka Turkiga, Ciraaq, Siiriya iyo Iran ayaa u dagaalamaya wadan u gaar ah Kurdida.

    Tan iyo markii uu burburay wadahadalkii u dhaxeeyey dowlada Turkiga iyo PKK sanadkii 2015 ayey xukuumada Ankara dardar horleh galisay weerarada ka dhanka kooxdaasi oo ay u aqoonsan tahay Argagaxiso.

    Dhinaca kale Axadii lasoo dhaafay ayey sidoo kale iska horimaadyo dhexmareen ciidamada dowlada Ciraaq iyo kooxda PKK ee ku sugan waqooyiga wadanka Ciraaq oo ah halka ay ku leeyihiin saldhigooda u weyn.

    Kooxaha Kurdida ee hubeysan ayaa u muuqda in ay cadaadis xoogleh xiligan kala kulmayaan afarta dal ee Turkiga, Ciraaq, Iran iyo Siiriya.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.