Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Burundi oo maanta bilaabeysa inay la baxdo Ciidamadeeda jooga Sh/dhexe.
    Somalia

    Dowladda Burundi oo maanta bilaabeysa inay la baxdo Ciidamadeeda jooga Sh/dhexe.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 21, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Burundi ayaa maanta oo khamiis ah bilaabeysa in qeybtii u horeysay ee ciidankeeda ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe la soo baxdo sida qorshaha ahaa, kaddib go’aankii Midowga Afrika ee ahaa in dhamaadka bishan kun askari oo Burundi ka socda laga soo saaro Soomaaliya.

    Lix maalin gudahood ayaa looga doonayaa dowladda Burundi inay Soomaaliya uga saarto 1,000 askari, iyadoo mudada ay heystaan ay tahay inta laga gaarayo ugu danbeyn 26-ka bishan.

    Ciidamada Burundi ayaa soo faarujin doona degmada Cadale, Raage Ceelle iyo deegaanka Xaaji Cale oo ay muddo sanado ah fariisimo ku lahaayeen.

    Dowladda Burundi ayaa ka soo horjeestay in Ciidamadooda kaliya laga soo saaro Soomaaliya, taasoo ay ku tilmaamtay in aanay cadaalad aheyn, waxaana ay dalbatay in kunka askari loo qeybiyo dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya, si isku mid ahna looga dhimo.

    Wargeyska New Vision ee ka soo baxa Dalka Uganda ayaa qoray in Burundi ay Soomaaliya uga geeriyootay 800 ilaa 1,000 askari, kuwaasoo magdhaw ahaan loo siiyay lacag gaareysa $18 Milyan oo dollar ah.

    Tirada askarta Burundi ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu sheegay 5,432 askari, kuwaasoo dalkan ka howlgalayay in ka badan 10 sano.

    Ciidankii u horeeyay ee Burundi ka socda oo soo caga dhigtay Muqdisho ayaa waxay yimaadeen bishii November sanadkii 2007, waana dowladda 2aad ee Ciidamo u soo dirtay Soomaaliya, waxaana ka horeysay dalka Uganda oo ciidankeedii u horeeyay Soomaaliya ay yimaadeen bishii March 2007.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    June 21, 2025

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.