Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin waxaa ay kasoo saartay inay ka dhici karaan fatahaado iyo daadad deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Saadaasha Roobka ee labada Maalin ee soo socota ay macquul tahay inay daโaan roobab xoogantaasi oo keeni karta daadad iyo fatahaado horleh.
Roobabka ayaa Wasaaradu sheegtay in loo badinayo inay ka daโaan Dhulka Sare ee Itoobiya taas oo markasta sababta inay kordhaan fatahaadaha wabiyada dalka, sidoo kalena la filayo inay kor u kacaan heerka Biyaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ee Gobolada Hiiraan iyo Gedo.
Meelaha ay cabsida badan kajirto ayaa waxaa lagu sheegay Magaalooyinka Baladweyne, Baardheere, Doolow iyo Gobolada Baay iyo Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed.

