Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Japan oo Safiir cusub u soo Magacaawday Soomaaliya+Sawirro
    Somalia

    Dowladda Japan oo Safiir cusub u soo Magacaawday Soomaaliya+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 21, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ee Safiirka cusub ee Japan u qaabilsanaanaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ryoichi Horie.

    Wasiir Cawad waxa uu soo dhoweeyay Safiirka Japan, isagoo u rajeeyay in uu ka soo dhalaalo howlaha loo igmaday si uu sare ugu qaado xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

    Dowladda Japan ayaa haatan waxaa ay u muuqataa inay xiriir la yeelaneyso Soomaaliya,waxaana dhawaan dalkaasi tegay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,isaga oo ka qeyb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo ay marti gelisay magaalada Yokohama.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.