Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Kenya oo Shuruudo cusub hor-dhigtay Soomaaliya (Akhriso)
    Somalia

    Dowladda Kenya oo Shuruudo cusub hor-dhigtay Soomaaliya (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 18, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    NAIROBI (IDIL NEWS)-Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya, ayaa baahiyay in Kenya ay ku xirtay Soomaaliya shuruud sadex qodob ka kooban si xal looga gaaro muranka diblomaasiyadeed ee dhinaca badda ee labada wadan ka dhaxeeya. Qodobka koowaad ee ay Kenya dalbaneysa ayaa ah in Soomaaliya ay ka noqoto qaybaha ka mid ah soohdinta dalkeeda ee ay Soomaaliya ku suuqgeysay 7-dii bishan magaalada, London ee dalka Ingiriiska.

    Shuruudda labaad ee ay Kenya ka dalbaneyso Soomaaliya ayaa ah in Soomaaliya ay ogeysiiso dhamaan shirkaddihii baayacay xidrmooyinkii dhulka shidaalka ee ay ku soo bandhigtay shirkii London in aysan Soomaaliya dhulkaasi laheyn. Iyo shruudda sadexaad ee ugu dambeysa oo ah, in Kenya ay dooneyso in wada xaajood ay labada wadan ka galaan arrinta muranka badda oo ay xal walaalnimo ka gaaraan, iyadoo aan la marin Maxakamadda caalamiga ah ee Hague ee ay hadda dacwadooda taalo.

    Sida ay soo xigteen warbaahinta Kenya, Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr. Macharia Kamau, ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in Soomaaliya ay fuliso sadexdaasi shardi si Kenya ay u soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada wadan ka dhaxeeyay.

    Xalay ayey aheyd markii dawladda Soomaaliya ay sheegtay in khariiradaha ay sheegtay dawladda Kenya ay muujinayso badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay mowqifka weligeed ee dawladda Soomaaliya iyo dawcadda ku saabsan xadka badda ee hortaalla maxkamada caalamiga ah ee Hague.

    Waxay kale oo ay sheegtay dowladda Soomaaliya in mowqifkaasi uu ka turjumanayo masโ€™uuliyadda saaran dawladda Soomaaliya ee ay ku ilaalinayso midnimada iyo madaxbannaaniddeeda siyaaso iyo dhuleed.

    Soomaaliya ayaa intaasi ku dartay in aysan qandaraas ku bixin xidhmooyin dhuleed, qorshahana ugu jirin in ay ku bixiso wax xidhmooyin gaaska ah oo ku yaalla degaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay goโ€™aan ka gaareyso. Sabtidii ayuu murankan soo baxay, markii Kenya ay goโ€™aansatay inay xiriirka diploimaasiyadeed u jarto Soomaaliya.

    Safiirkii Kenya ee Somaliya Lucas Tumbo,ayaa shalay dib ugu noqday Nairobi , safiirkii Soomaaliya ee kenyana, Maxamuud Nuur Tarsan ayaa isna Axaddii shalay ku noqday Xamar.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.