Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda oo baaq u dirtay Dadka Cadaaladda u doonta Al-Shabaab.
    Somalia

    Dowladda oo baaq u dirtay Dadka Cadaaladda u doonta Al-Shabaab.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 16, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday  dadka garsoorka iyo cadaaladda u doonta Al-Shabaab in ay joojiyaan, islamarkaana ay ku kalsoonaan Shaqadda ay waddo dowladda dhexe ee Soomaaliya ee ah dib u habeynta Hay’addaha kala duwan ee Garsoorka.

    Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Garsoorayaasha Maxkamada looga baahan yahay in ay kasbadaan Kalsoonida Shacabka si aysan u aadin meelaha ay jooggaan Al-Shabaab.

    Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda ay lee yihiin Shacabka, islamarkaana ay muhiim tahay in aysan meel kale aadin inta la saxayo qaladaadka dhanka Garoorka ah.

    Waxyaabaha  la fahansan yahay inay dadka ku dhiiro-geliso inay u cadaalad doontaan Al-Shabaab waxaa kamid ah Garsoorayaasha maxkamadaha dowladda oo qaarkood qaata laaluush, taasi oo keenta inay kaga eexadaan dacwadooda.

    Garsoorka ayaa kamid ah hay’addaha muhiimka u ah dowladnimada ee uu saameeyay burburkii dalka ka dhacay, taasoo keentay inay shacabka ka aamin baxaan Garsoorka dowlada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.