Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda oo baaq u dirtay Dadka Cadaaladda u doonta Al-Shabaab.
    Somalia

    Dowladda oo baaq u dirtay Dadka Cadaaladda u doonta Al-Shabaab.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 16, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday  dadka garsoorka iyo cadaaladda u doonta Al-Shabaab in ay joojiyaan, islamarkaana ay ku kalsoonaan Shaqadda ay waddo dowladda dhexe ee Soomaaliya ee ah dib u habeynta Hay’addaha kala duwan ee Garsoorka.

    Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Garsoorayaasha Maxkamada looga baahan yahay in ay kasbadaan Kalsoonida Shacabka si aysan u aadin meelaha ay jooggaan Al-Shabaab.

    Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda ay lee yihiin Shacabka, islamarkaana ay muhiim tahay in aysan meel kale aadin inta la saxayo qaladaadka dhanka Garoorka ah.

    Waxyaabaha  la fahansan yahay inay dadka ku dhiiro-geliso inay u cadaalad doontaan Al-Shabaab waxaa kamid ah Garsoorayaasha maxkamadaha dowladda oo qaarkood qaata laaluush, taasi oo keenta inay kaga eexadaan dacwadooda.

    Garsoorka ayaa kamid ah hay’addaha muhiimka u ah dowladnimada ee uu saameeyay burburkii dalka ka dhacay, taasoo keentay inay shacabka ka aamin baxaan Garsoorka dowlada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.