Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Qatar oo Malaayiin Dollar ugu deeqday Soomaaliya.
    Somalia

    Dowladda Qatar oo Malaayiin Dollar ugu deeqday Soomaaliya.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 28, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    DOXA (IDIL NEWS)-Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa qaatay kulan looga hadlayay dhinacyo badan oo dan u ah labada dal, xoojinta xiriirka, iyo iskaashika labada dhinac.

    Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha.

    Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar, ayaa waxyaabaha sidoo kale kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in dowladda Qatar ay miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadkan 2019 ku taageerto 73 Milyan oo Riyaal taas oo u dhiganta 20 Milyan oo Doollar, sida lagu baahiyay Wakaaladda Warar ee dalkaasi Qatar ee QANA.

    Labada dhinac ayaa waxay isla meel dhigeen in Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doonta abuuridda fursado shaqo oo ay ka faaโ€™idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

    Maalmo ka hor ayaa la dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho Jowhar iyo Afgooye, kuwaas oo dhererkoodu gaarayo 120 km, mashruucan oo ay fulineyso dowladda Qatar.

    Dowladda Qatar ayaa waxa ay kamid tahay Wadamada Soomaaliya ka ka taageera soo kabashada dowladnimo, iyadoo ka fulineysa mashaariic horumarineed iyo kuwo baiโ€™aadminimo waqtigan Sooomaaliya.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.