Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gashay Shirkaddo Shidaal baaris ah
    Somalia

    Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gashay Shirkaddo Shidaal baaris ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 22, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday  in ay dib u soo celiyaan heshiisyadii dowladdii dhexe la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo muddo 30 sano ku dhaw dalka ka maqnaa.

    Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal oo la hadlayay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa u sheegay in Wasaaraddu ay heshiis la saxiixatay Shirkadaha Caalamiga ah ee Shell iyo Exxon Mobil, kuwaasi oo haatan ka baxay xaaladdii ku qasabtay in ay wadanka kaga baxaan tan iyo bur burkii dowladdi dhexe ee dalka, isagoo intaa ku daray inay aqbaleen in ay bixiyaan dhamaan xuquuqihii lagu lahaa, kuwaas oo ku salaysan qandaraasyadii ay galeen xilligaas ayaga oo raacaya habraaca ku xusan Sharciga Shidaalka ee dalka.

    Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa sheegay in madaxda Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ay diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan geeddi socodka soo saaridda Shidaalka Soomaaliya.

    โ€œShirkadaha Shell iyo Exxon Mobil waxaa  jirta qandaraasyo lala galay xilligi dowladdi dhexe ee sideetamadeeyadii oo la siiyay xirmooyin, xirmooyinkaasi ayaga ah waxa ay ahaayeen intii dowladdii dhexe jirtay waqtiyadii heshiiska la galay sida ku cad inay ka shaqeeyaan soona saaraan shidaalka, laakiin dowladdii dhexe markii ay meesha ka baxday oo dhibaatadii dhacday ayay ku baxeen daruufโ€ ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka.

    โ€œTani waxa ay muujineysaa in wadanka ay xasilooni ka jirto, taasi oo Soomaaliya guul u soo hooyatay ay u tahay, waana tallaabo lagu farxo in shirkado caalami ah oo sidan u waa weyn ay diyaar u noqdaan inay dalka dib ugu soo laabtaanโ€ ayuu yiiri Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.