Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Soomaaliya oo lagu dacweeyay QM Iyo Midowga Africa.
    Somalia

    Dowladda Soomaaliya oo lagu dacweeyay QM Iyo Midowga Africa.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 28, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    NAIROBI (IDIL NEWS)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa dareenkeeda ku aadan muranka Badda eek ala dhexeeya Soomaaliya waxaa ay u gudbisay Qaramadda midoobay iyo Golaha Amniga eeMidowga Africa, sida ay baahisay Warbaahinta Capital FM.

    Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa u sheegtay Warbahinta Capital FM in wasaaradedu ay wargalisay Safiiradda Dalalka xubinta ka ah Goleyaasha Amniga ee Qaramadda midoobay iyo Midowga Africa si ay arrinta wax badan uga ogaadaan.

    “Waxaan Warbixin ka siinay Xaaladda inoo dhexeysa Annaga iyo Soomaaliya, xaqiiqda ayaan siinay Labadda Goleba si ay usoo saaraan dereenkooda arrintaan”ayey tiri.

    Waxaa jiraty kulan ay Wasiirku Jimcihii lasoo dhaafay la yeelatay Safiiradda Dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska ujooga Kenya ee Nic Hailey iyo Aline Kuster.

    Monica Juma ayaa sheegtay Arbacadii in Wasaaradedu ay markasta u furantahay wada-hadal si xalka ugu haboon looga gaaro muranka Badda ee udhexeeya dalalka Dariska islamarkaan loo soo celiyo Dublamaasiyadda hakatay.

    Kenya ayaa si ay umuujiso caradeeda waxay u wacatay Safiirkii u joogay Muqdisho 16kii Bishaan iyadoo Safiirkii Soomaaliya ee Nairobi-na ku amartay in uu wadankiisa dib ugu soo laabto.

    Dowladda Soomaaliya ayaa Maxkadda caalamiga ah ee Cadaaladda waxaa ay horgeeysay dacwad ka dhan ah Kenya oo kusoo xad-gudbtay Badda Soomaaliya islamarkaana sheegay in ay leedahay dhul uu khayraadku jiifo.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda e Kenya ayaa  sidoo kale sheegtay in Dowladeedu ay jawaab Wanaagsan ka heshay Dalal dhowr ah, taasi oo ku aadan muranka Soomaaliya ka dhexeeya. Hase ahaate ma aysan sheein dalalka ay yihiin.

    “Fariinta aanu dalalka caalamka ka helnay waxaa ay dhiiri galineeysa in arrinta si saxiibtinimo loo xaliyo waana sida aan dooneeyno” ayey ku hadalkeeda Ambassador Jumma.

    Muranka Labadda Dowladood oo aan wali wax xal ah laga gaarin ayaa Soomaaliya dhankeeda waxaa ay ka dheeraaneeysaa in Badeeda ay wadahadal ka gasho. Waxay na Dowladda Soomaaliyeed sheegtay in ay ka war sugi doonto Go’aanta Maxkamadda caalamiga ah.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.