Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Soomaaliya oo ugu baaqday wadamada Nordic inay maal-gashadaan Dalka.
    Somalia

    Dowladda Soomaaliya oo ugu baaqday wadamada Nordic inay maal-gashadaan Dalka.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 9, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka qeybgalay Shirka 18aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika iyo kuwa Nordic oo ku qabsoomay Magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, socday maalmaha 7-8 November.

    Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika iyo kuwa Nordic ayaa ah madal sanadeed si furan ay labada dhinac u doodaan.

    Kulanka oo loogaga hadlay habka xoojinta nabadda, ammaanka, ganacsiga iyo maalgeshiga ayaa waxaa ka qeybgalay 29 dowladood oo Afrikaan ah iyo wadamada Nordic sida Norway, Sweden, Denmark iyo Finland.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caaamiga ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay wadamada Nordic dano wadaag istiraatiijiyadeed oo ku qotanta dalxiiska iyo maalgeshiga, isagoo sheegay in Soomaaliya uu yahay dal dihan oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga, kaluumaysiga, dhul beereed bacrisan iyo xoolo , waxa uuna tilmaamay in ka faa’ideysiga kheyraadkaasi uu soo afjari karo shaqa-la’aanta iyo colaadda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.