Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Talyaaniga oo dib ula laabatay Mashruuc biyo-xireen loogu sameyn lahaa Beledweyne (Warbixin)
    Somalia

    Dowladda Talyaaniga oo dib ula laabatay Mashruuc biyo-xireen loogu sameyn lahaa Beledweyne (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 18, 2019Updated:November 18, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlada Talyaaniga ayaa dib u celisay lacag gaaraysa lix malyan oo dollar taasoo la doonayay in loogaga dhiso biyo xireen magaalada Beledweyne, sida uu baahiyay Wargeyska Republic ee kasoo baxa Dalka Talyaaniga.

    Wargeyska Republica ayaa sheegay laalista Mashruucan ee Dowladda Talyaaniga ay timid kaddib markii muddo sannad ah ay ka warsugaysay Dowladda Soomaaliya in ay soo gudbiso Mashruuca nooca uu noqonayo.

    Hase yeeshee Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshablle Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirka Beeraha Dowladda Federalka oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, ayaa beeniyay in lacagahaas dib loola noqday.

    Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid, ayaa sheegay in dhammaan dukumintiyadii loogaga baahnaa Dowladda Federaalka ay gudbiyeen.

    “Ma jiro heshiis aan kala saxiixanay dowlada Talyaaniga balse waxaa uu ahaa mashruucan mid is-faham labada dhinac ay gaareen dowladana waa ay gudbisay dhammaan dukumintiyadii loogaga baahnaa.”ayuu yiri Wasiirka Beeraha dowlada federalka Siciid Xuseen Ciid.

    Biyo Xireenka oo la hirgaliyo ayaa ka hortagi kari lahaa fataahado iyo masiibo ka dhacdo Magaalada Beledweyne iyo Guud ahaan Gobalka Hiiraan, inkastoo la sheegay in dhismihiisu qaadan lahaa muddo laba sano.

    Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa sanadihii ugu dambeeyay dhibane u noqotay Fatahaadaha Wabiga Shabeelle iyo Biyo yareynta Wabiga, waxaana haatan Magaalada Beledweyne ka taagan Xaalad adag oo ka dhalatay Fatahaada Wabiga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.