Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Turkiga oo gargaar qeyb ah gurmadka abaaraha ka dajisay Muqdisho
    Somalia

    Dowladda Turkiga oo gargaar qeyb ah gurmadka abaaraha ka dajisay Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 24, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Turkiga ayaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka dajisay hal tan oo gaar gaar cuno ah oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhibaateysa gobollada dalka Soomaaliya.

    Gargaarkan oo ay ku deeqday hay’adda Bisha cas ee Turkiga ayaa waxaa lagu wareejiyay gudiga gurmadka Qaran ee abaaraha si markaa uu qeyb uga noqdo dadaallada lagu caawinayo dadka ay abaartu saameysay.

    Raashinkan ayaa u badan nafaqada caruurta, madaama baqdinta ugu weyn ee la qabo tahay macaluul ka dhalatay nafaqo darro soo food saartay carruurta ku dhaqan ilaa 11 gobol oo ka mid ah 18ka gobol ee Soomaaliya, taa oo sababi karta marka danbe dhimasho baahsan.

    Dowladda Turkiga ayaa dhawaan sheegtay in tan iyo sanadii 2011 ay Soomaaliya ku bixisay lacag dhan hal bilyan oo dollar.

    Ugu danbeyntii, marka laga soo tago deeqdan ka timid dowladda Turkiga, dhinaca kale waxaa soconaya dadaalo kala duwan oo ay wadaan hay’addo caalami ah iyo dadka Soomaaliyeed ee ka damqanaya daruufaha nolaleed ee la soo darsay dadka abaartu saameyeen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.