Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»DP World Oo hakisay heshiiskii balaarinta Dekeda Bosaso
    Somalia

    DP World Oo hakisay heshiiskii balaarinta Dekeda Bosaso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 1, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciise Yulux iyo maleeshiyo uu wato,ayaa soo galay gudaha Magaalada Bosaso.

    Kadib waxaa iimayl ka yimid shirkada DP World,kaasoo ay ku leedahay…

    “Bosaso waxaa soo galay burcad badeed iyo Daacish wada socda ee faahfaahin naga siiya”.

    Iimaylkaas waxuu soo gaaray Wasaarada Kaluumaysiga iyo Madaxtooyada Puntland.

    Wasiirka Kaluumaysiga,ayaa ka jawaabay iimaylkaas,erayada lagu qoray jawaabtaas waxay udhignaayeen sida tan…

    “Masoo gelin Bosaso argagixiso iyo burcad badeed ee maleeshiyo hab beeleed u abaabulan,ayaa soo gashay,waxaana ka saari doona,iyadoon xabadi ka dhicin Magaalada”.

    Markale ayay Shirkada DP World soo dirtay Iimayl ay ku leedahay faahfaahin naga siiya argagixisada iyo burcadbadeeda Bosaso soo gashay.

    Markaas labaad,ayay Madaxtooyadu jawaab ka bixisay Iimaylka taasoo keentay in is afgaran waa dhexmaro DP iyo Madaxtooyada Puntland.

    Is afgaran waagaasi waxuu sabababay in shirkada DP World ay soo celiso Iimayl ay ku leedahay sida tan….

    “Waxaan hakinay bilaabida mashruucii balaarinta Dekeda Bosaso ee aan horay uwada galnay sababo amaan dartood”

    Madaxtooyada Puntland aad ayay iimaylkaas danbe uga carootay,waxaana wadatashi dheer kadib la go”aamiyay in Deni tago Dubai.

    Tagidii Dubai ee Madaxweyne Deni niyad jab waxaan ahayn masoo kordhin,waxuuna safarkaas kusoo idlaaday guuldaro iyo in Puntland ay yaqiinsatay DP World in aysan dhisayn Dekeda Bosaso.

    DP World waxay aad ubaadi goobaysaa marmarsiiyo ay ku fashiliso heshiiska balaarinta Dekeda Bosaso.

    Madaxtooyada Puntland waxaa horyaal maaraynta go”aan adag oo ay tahay in ay xal uhesho.

    Xogtan waxaan ka helay laba ka mid ah Xaafiisyada Madaxtooyada Puntland.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.