Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dubai: Madaweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin iyo Ganacsato (Sawirro)
    Somalia

    Dubai: Madaweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin iyo Ganacsato (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 10, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    DUBAI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo muhiima la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga Imaaraadka, Rugta gancsiga Abu Dubai iyo ganacsatada dalkaasi.

    Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatuur (Gabiley) La taliyayaal sare oo ka tirsan Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

    Kulankan muhiim ka ah ayaa looga hadlay xoogjinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ganacsi iyo maalgashi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Imaaraadka, waxaana si qotodheer looga wadahadlay arrimo la xidhiidha ganacsiga xoolaha, isku xirka Puntland iyo Imaaraadka ee dhinaca duulimaadyada, kobcinta ganacsiga labada dhinac iyo dhiiri-gelinta maalgashiga .

    Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa ayaa kulamo la qaatay rugta gancsiga Abu Dubai iyo ganacsatada dalkaasi, waxaana wafdiga Dowladda Puntland u soo bandhigeen ganacsatada dalkaasi fursadaha ganacsi ee Puntland ka jira iyo sidii loo xoojin lahaa ganacsiga labada dhinac.

    Kulamada muhiim ka ah ee lagaga arrinsanayey iskaashiga ganacsi iyo midka wadashaqayneed ee labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ganacsiga iyo xoojintiisa oo ay ugu muhiimsanayd ganacsiga xolaha iyo dhoofintooda, waxayna kulamadaasi kusoo dhammaadeen is afgarad iyo wadashaqayn labada dhinac ah.

    Ugu dambeyn, Madaxweynha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona inta uu ku sugan yahay Imaaraadka madaxda iyo ganacsatada dalka kaasi, kuwaasi oo loogu gogol-xaadhayo kobcinta xidhiidhka qotada dheer ee labada dhinac, midka maalgashi, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo arrimo kale oo muhiim ah.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.