Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Duqa K/Gaalkacyo oo ka hor-yimid xil ka qaadista Madaxweyne Xaaf
    Somalia

    Duqa K/Gaalkacyo oo ka hor-yimid xil ka qaadista Madaxweyne Xaaf

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 15, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Duqa Koonfurta Degmada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug Xirsi Yuusuf Barre, ayaa ka hor-yimid xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, isagoona sheegay in xilka qaadista Madaxweyne Xaaf aan waxba ka jirin, isla markaana uu isagu yahay Guddoomiyaha saxda ah ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

    Madaxweyne Xaaf ayaa waraaq uu xalay soo saaray ku sheegay inuu xilalkii ka qaaday Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Koonfurta Gaalkacyo, isagoona sidoo kale kala diray Golihii Degaanka ee degmadaas, waxaana sidoo kalena uu u magacaabay Maamul KMG ah.

    Duqa Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf uusan xilligan qaadi karin wax xil ah, una dhiibi karin, isla markaana uu weli yahay Duqa degmada Gaalkacyo Inta laga soo dooranayo Guddoomiye Cusub.

    Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre haatan ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,isaga oo shalay kamid ahaa mas’uuliyiintii soo dhaweeyey musharax Qoorqoor oo ay taageerayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.