Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Duqeymo culus oo ka dhacay Degaano katirsan Gobalada Jubbooyinka
    Somalia

    Duqeymo culus oo ka dhacay Degaano katirsan Gobalada Jubbooyinka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 7, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay xarumo ay ku sugnaayeen xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo ku yaala Gobolada Jubbooyinka.

    Duqeymaha ayaa ka kala dhacay degmooyinka Jilib, Jamaame iyo deegaanka caga libaax oo dhamaantooda ka tirsan gobalada Jubbooyinka, Dadka degaanka ayaana sheegay in ay arkeen diyaarado jawi hoose ku duulaya kuwaas oo duqeymo ka fulinaya deegaanadaas.

    Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga ayaa xaqiijiyay in dagaalamayaal iyo saraakiil katirsan Kooxda Al-Shabaab lagu dilay Degmooyinka Jilib, Jamaame iyo Caga-libaax, halka 4 xubnoodna nolashada lagu qabtay.

    Diyaaradaha Mareykanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay duqeymo culus ka fulinayay saldhigyada kooxda Al-Shabaab ay ku lee yihiin Gobolada Jubbooyinka, kuwaas oo lagu dilay Maleeshiyaad iyo Saraakiil katirsan Kooxda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.