Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»duqeymo culus oo ka dhacay Gobalada Jubbooyinka
    Somalia

    duqeymo culus oo ka dhacay Gobalada Jubbooyinka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 14, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Duqeymo culus ayaa xalay ka dhacay Degaano katirsan Gobalada  gobolada Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose, kuwaas oo lala beegsaday saldhigyo ay lee yihiin maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

    Duqmahan ayaa si gaar ah uga dhacay Degmooyinka Jamaame, Salagle, Jilib iyo deegaanka Xaramka, waxaana la sheegay in lagu dilay maleeshiyaad iyo saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab, diyaaradaha dagaalka ayaana duqeynta kahor nalal weyn ku ifiyay degaanada qaarkooda, sida ay sheegeen dadka degaanka.

    Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in duqeymaha lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin gobolada Jubbooyinka.

    Saraakiil katirsan Ciidanka Xogga Dalka ayaa sheegay in ayaa sheegay in xalay iyaga iyo saaxiibo caalami ah ay duqeyn ka fuliyeen goobo muhiim ah oo ka tirsan Jubbooyinka, islamarkaana ay khasaaro culus gaarsiiyeen Al-Shabaab.

    Sidoo kale, Saraakiisha Cidanka Dowladda ayaa sheegay in duqeymahaas lagu dilay saraakiil sare oo katirsan Ururka Al-Shabaab, ayna kamid yihiin Macalin Arbow iyo Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Axmed.

    Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa todobaadkii aynu soo dhaafnay dhowr jeer oo is xig xiga waxaa ay duqeeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.