Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Eritrea oo Mareykanka ku eedeysay Afgambi ka dhan ah ‘Isaias Afwerki’+Akhriso
    Somalia

    Eritrea oo Mareykanka ku eedeysay Afgambi ka dhan ah ‘Isaias Afwerki’+Akhriso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 2, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Eritrea ayaa soo saartay warmurtiyeed aan horay looga baran iyada oo warmurtiyeedkeeda ku eedeysay iney laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA ay Eritrea u maleegtay afgambi.

    Waxayna xukumadda Asmara warmurtiyeedkeeda carrabka ku dhufatay laanta sirdoonka Israa’iilna iney afgambigaasi la damacsanaa gacan ka geysatay.

    Dowladda Eritrea waxay sheegtay in afgambigi Militari lala damacsanaa sanadka marka uu ahaa 2011-ka, balse hadda ay heleen macluumaad dhammeystiran oo afgambiga la damacsanaa muujinaya.

    Afgambigi la damacsanana waxaa qayb ka ahaa ayey tiri xukumadda Asmara in kacdoonna shacab gudaha Eritrea laga abaabulo si awoodda dowladda loo wiiqo.

    Warmurtiyeedka ka soo baxay xukumadda Asmara oo ku qornaa afka Tigreega waxaa si toos ah looga magac dhabay shaqsiyaadka iyo laamaha afgambiga loo maleegayey ka qayb qaatay ee ay sheegtay iney ku kulmeen magaalada Nairobi.

    Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR waxay CIA ku amartay inuu gacan ka geysto sidi ay shacabka Eritrea uga qixi lahaayeen dalkooda waa sida warmurtiyeedka Xukumadda Asmara lagu sheegaye.

    “Kooxaha afgambiga maleegayeyna” kooxda qaranka kubadda cagta Eritrea iney dalkooda ka baxsadaan oo ay waddamo kale magangalyo weydiistaan ayey ku dhiirragelinayeen ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

    Waxaana taa tusaale ugu filan kooxda kubadda cagta Eritrea oo Nairobi ciyaar kaga qayb galayey ee diiday iney dalkooda dib ugu noqdaan.

    Dhawaanna waxaa dalka Uganda iska dhiibay afar ciyaartooy oo Eritrea u dhashay oo noolal dhuumaaleysi ah oo cabsi badan ku jooga dalka Uganda ayey Asmara ku sheegtay warmurtiyeedkeeda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.