Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ethiopian Airlines oo joojisay duullimaadyadii mari jiray hawda Soomaaliya
    Somalia

    Ethiopian Airlines oo joojisay duullimaadyadii mari jiray hawda Soomaaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 1, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa ku dhawaaqday inay joojisay duullimaadyadii ay ku mari jirtay hawada Soomaaliya, kuwaasi oo tagi jiray dalalka Aasiya.

    Duullimaadyada diyaaradaha shirkadda ee tagi jiray dalalka Aasiya ayaa waxay markii hore sii mari jireen hawada Soomaaliya, taasi oo imika ay shirkaddu sida ay sheegtay joojisay.

    Maamulaha guud ee shirkadda diyaaradaha Itoobiya Mesef Tase oo BBC la hadlay ayaa yiri, “shirkadda ayaa go’aankan gaartay, sababtoo ah ma aysan helin “adeeg duulista hawada” oo ammaan ah taasi oo aysan ka helin maamulayaasha hawada Soomaaliya.

    Ato Mesfen ayaa sheegay in go’aankooda uu sidoo kale la xiriiro dhacdadii ka dhacday hawada Somaliya bartamihii bishii aanu soo dhaafnay.

    Iyadoo la raacayo hab-dhaqanka caalamiga ah, waxaanu ku wargalinnay hay’adaha duulista rayidka ee ay qusayso marka shil noocan oo kale ahi dhaco, waxaa lagu wargeliyay hay’adaha duulista rayidka Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayuu u sheegay BBC-da. Balse, wuxuu intaas ku daray inaysan illaa hadda wax jawaab ah ka bixin arrintan.

    Ato Mesfen ayaa xusay in dhacdadii Sabtidii ay ka dhigtay shirkadda Ethiopian Airlines inay qaadato go’aankan sababo la xiriira ammaanka iyo badqabka hawada Soomaaliya.

    “Sidaa darteed, maalin ka dib dhacdadani oo dhacday Axaddii, Febraayo 17/2024, waxaan shaaca ka qaadnay in Ethiopian Airlines ay go’aansatay inay joojiso isticmaalka hawada Soomaaliya.

    Mr Mesfen ayaa farta ku fiiqay in maaddaama uusan jirin adeeg la isku haleyn karo dhinaca hawada (Soomaaliya) ay isticmaali doonaan waddooyin kale iyada oo la eegayo bad-qabka.

    Madaxa shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa sheegay in diyaaradihii hawada Soomaaliya u adeegsan jirtay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay dalalka Aasiya ay hadda duullimaadyadooda mari doonaan dhanka hawada dalka Jabuuti.

    Waxa uu intaa ku daray in diyaaradda Ethiopian Airlines ay hawada Jabuuti isticmaalayso “iyada oo uusan qarash dheeri ah kaga bixin”.

    Ato Mesfen ayaa hasa yeeshee caddeeyay in duullimaadyadii ay diyaaradaha shirkadda ku tagi jireen Muqdisho iyo Hargeysa uusan waxba iska baddalin oo ay sidoodii yihiin islamarkaana aysan wax dhibaato ah ka jirin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.