Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»EX R/wasaare Saacid “Waxaan qabaa in wada hadal toos lala galo Al-Shabaab”
    Somalia

    EX R/wasaare Saacid “Waxaan qabaa in wada hadal toos lala galo Al-Shabaab”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 11, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku taliyay in wada hadal toos ah lala furo Al-Shabaab, isagoo caddeeyay in haddii uu xal milateri adkaado ay tahay in xal siyaasadeed la furo.

    Mr Saacid ayaa sheegay in Al-Shabaab la kari waayay, isla markaana ay aheyd in laga guuleysto.

    “Aniga waxaan qabaa in wada hadal toos lala falo, runtii Al-Shabaab waa dad Soomaaliyeed waa la kari waayay, waxaa fiican in laga guuleysto nabadna wada hadal ku timaato, arrintaas lafteeda lama dhayalsan karo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon.

    Sidoo kale waxaa uu sheegay in sugida amniga dalka ay u baahan tahay in la helo dad aqoonyahano ah oo khibrad u leh

    “Haddii xal milateri adkaado, waxay u baahan yahay in la helo xal siyaasadeed”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdi Faarax Shirdoon.

    Mas’uuliyiin hore iyo Siyaasiyiin ayaa horay ugu baaqay in wada hadal lala galo Al-Shabaab, balse Al-Shabaab ayaa dhowr jeer diiday inay wada hadal la galaan dowladda Federaalka, iyadoo dalka ay ku sugan yihiin Ciidamo shisheeye, waxaana Shabaab ay sheegeen inay dowladda u aqoonsan yihiin inay tahay Dowlad Riddo ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.