Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faahfaahin:-Daynta laga cafiyay Somaliya?
    Somalia

    Faahfaahin:-Daynta laga cafiyay Somaliya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 14, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dhowr dal ayaa ku heshiiyay in ay ka dhafaan deyn ka badneyd 2 bilyan oo doolar oo lagu lahaa Soomaaliya

    Xubnaha Paris Clup oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Japan iyo Ruushka ayaa u dhaafay dhammaan deyntii lagu lahaa Soomaaliya kaddib markii ay gaartay dhammaadka hindisaha deynta cafinta ee ay kormeerayeen hey’adda lacagta adduunka IMF iyo banka adduunka.

    Soomaaliya ayey ka go’neyd in ay mudnaanta siiso dhimista faqriga iyo in ay maalgeliso caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha aasaasiga.

    “In deynta si buuxda loo cafiyo waxay wax ka badaleysaa mustaqbalka Soomaaliya, waxayna u ogolaaneysaa dowladda in ay fursad u hesho adeegyada aasaasiga” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.

    Hindisaha deyn cafinta ee bishii desember waxa uu dalka ka dhigay in laga cafiyo 4.5 bilyan oo doolar.

    Soomaaliya waxaa laga saaray nidaamka maaliyadeed ee adduunka in ka badan 30 sano kaddib sanado uu dalka ku jiray dagaallo sokeeye iyo kuwa xagjirnimo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.