Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faahfaahin heshiisyada Afrika iyo Koonfur Kuuriya
    Somalia

    Faahfaahin heshiisyada Afrika iyo Koonfur Kuuriya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 5, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ku dhawaad 50 heshiis ayaa la kala saxiixday intii uu socday shirkii ugu horreeyay ee Koonfur Kuuriya oo ay la yeelatay hoggaamiyeyaal ka socda 48 dal oo Afrikaan ah.

    Shirkan ayaa daaranaa sidii Africa iyo South Korea ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada sida macdanta, tamarta iyo wax soo saarka,

    Sida ay sheegtay wasaaradda warshadaha ee Kuuriyada Koonfureed Arbacada maanta ah, Shirkadda Hyosung Corp oo ah shirkad laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed ayaa saxiixday qandaraas ay ku siinayso qalab koronto oo ku kacaya $30 milyan dalka Mozambique.

    Wasaaradda warshadaha ee kooriyada Koonfureed ayaa sidoo kale heshiisyo iskaashi ah oo ku saabsan macdanta muhiimka ah la saxiixatay Madagascar iyo Tanzania si loo sugo saadka warshadaha sameeya baytariyada.

    Sida lagu sheegay bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Warshadaha ee Kuuriyada Koonfureed, 47-ka heshiis ee lala galay 23 dal oo Afrikaan ah ayaa la saxiixay intii uu socday shir-madaxeedka.

    Kuuriyada Koonfureed oo ah dalka afaraad ee ugu dhaqaalaha badan Aasiya ayaa doonaysa inay ka faa’iidaysto macdanta iyo suuqa weyn ee wax dhoofinta Afrika.

    “In kasta oo ay awooddeeda weyn tahay, haddana Afrika waxay weli ka tahay 1-2% ganacsiga iyo maalgashiga Kuuriyada Koonfureed,” ayuu yiri madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol oo ka hadlayay shirkan ay isugu yimaadeen 200 oo hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo warshadaha ah oo ka kala socda waddamada Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed.

    Waxa uu intaasi ku daray Madaxweyne Yoon “Rajadeydu waxay tahay in iskaashiga kheyraadka ee faa’idada u leh labada dhinac la ballaariyo,”

    Yoon waxa uu ballan qaaday Talaadadii in Kuuriyada Koonfureed ay kordhin doonto deeqaha horumarineed ee Afrika oo ay gaadhsiin doonto $10 bilyan Lixda Sano ee soo socota, waxaanu sheegay in ay ku yaboohi doonto $14 bilyan oo doolar oo ah maalgelinta dhoofinta si kor loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga shirkadaha Kuuriyada Koonfureed ee Afrika.

     

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.