Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faahfaahin heshiisyada Afrika iyo Koonfur Kuuriya
    Somalia

    Faahfaahin heshiisyada Afrika iyo Koonfur Kuuriya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 5, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ku dhawaad 50 heshiis ayaa la kala saxiixday intii uu socday shirkii ugu horreeyay ee Koonfur Kuuriya oo ay la yeelatay hoggaamiyeyaal ka socda 48 dal oo Afrikaan ah.

    Shirkan ayaa daaranaa sidii Africa iyo South Korea ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada sida macdanta, tamarta iyo wax soo saarka,

    Sida ay sheegtay wasaaradda warshadaha ee Kuuriyada Koonfureed Arbacada maanta ah, Shirkadda Hyosung Corp oo ah shirkad laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed ayaa saxiixday qandaraas ay ku siinayso qalab koronto oo ku kacaya $30 milyan dalka Mozambique.

    Wasaaradda warshadaha ee kooriyada Koonfureed ayaa sidoo kale heshiisyo iskaashi ah oo ku saabsan macdanta muhiimka ah la saxiixatay Madagascar iyo Tanzania si loo sugo saadka warshadaha sameeya baytariyada.

    Sida lagu sheegay bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Warshadaha ee Kuuriyada Koonfureed, 47-ka heshiis ee lala galay 23 dal oo Afrikaan ah ayaa la saxiixay intii uu socday shir-madaxeedka.

    Kuuriyada Koonfureed oo ah dalka afaraad ee ugu dhaqaalaha badan Aasiya ayaa doonaysa inay ka faa’iidaysto macdanta iyo suuqa weyn ee wax dhoofinta Afrika.

    “In kasta oo ay awooddeeda weyn tahay, haddana Afrika waxay weli ka tahay 1-2% ganacsiga iyo maalgashiga Kuuriyada Koonfureed,” ayuu yiri madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol oo ka hadlayay shirkan ay isugu yimaadeen 200 oo hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo warshadaha ah oo ka kala socda waddamada Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed.

    Waxa uu intaasi ku daray Madaxweyne Yoon “Rajadeydu waxay tahay in iskaashiga kheyraadka ee faa’idada u leh labada dhinac la ballaariyo,”

    Yoon waxa uu ballan qaaday Talaadadii in Kuuriyada Koonfureed ay kordhin doonto deeqaha horumarineed ee Afrika oo ay gaadhsiin doonto $10 bilyan Lixda Sano ee soo socota, waxaanu sheegay in ay ku yaboohi doonto $14 bilyan oo doolar oo ah maalgelinta dhoofinta si kor loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga shirkadaha Kuuriyada Koonfureed ee Afrika.

     

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.