Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faahfaahin khasaarahaka dhashay Qaraxyadii dhacay
    Somalia

    Faahfaahin khasaarahaka dhashay Qaraxyadii dhacay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 21, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ku dhowaad Lix Askari ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen qaarxyo kala duwan oo ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalada Muqdisho iyo Afgooye.

    Laba qarax oo waaweyn ayaa saaka laga maqlay duleekda magaalada Muqdisho, kadib markii walxaha qarxa laga soo buuxiyay gawaari.

    Qaraxa koowaad ayaa la sheegay inuu ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu raray oo uu kaxeynayay nin doonayay inuu isku qarxiyo bar kantotool oo ay joogeen ciidamada amaanka oo ku taala waddada u dhaxaysa Muqdisho iyo afgooye gaar ahaan agagaarka degmada Garasbaaley.

    Lix askari ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

    Qarax kale oo isna la sheegay inuu ahaa gaari nooca raaxada ah oo walxaha qarxa lagu soo raray ayaa la sheegay in ciidamada amaanka ay hor istaageen gudaha xaafadaha ku teedsan waddada Muqdisho iyo Afgooye u dhaxaysa.

    Waxaa qaraxaasi waxyeelo ka soo gaaray guryihii halkaas ka ag dhawaa, balse lama soo sheegin khasaare dad soo gaaray.

    Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.