Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faahfaahin Shirka Garowe uga socda PL iyo Madaxweynayaashii hore
    Somalia

    Faahfaahin Shirka Garowe uga socda PL iyo Madaxweynayaashii hore

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 23, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe : 23 March 2024: Madaxtooyada Dowlada Puntland waxaa Maanta ka furmay Shir looga hadlayo marxladda uu dalku marayo.

    Shirkaas,waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxwaynihii hore ee Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Madaxwaynihii hore ee Somaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor , Guddoomiyaha Golaha Wakillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Baari , Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre ee Dowladda Federaalka ah ee Somaliya iyo Golayaasha Dowladda Puntland.

    Inkastoo aan la faahfaahin Qodobada miiska saaran,hadana,waxaa la fahansan yahay in ajandaha ugu weyn uu yahay qorshaha Xasan ee badalida Dastuurka.

    Kulamo gaar gaar ah ayay Xalay yeesheen Madaxweynayaashii hore iyo Madaxweynaha Puntland,kuwaasoo looga xaajooday arinka Dastuurka.

    Galabta,waxaa Afur lagu wada leeyahay Madaxtooyada Puntland,waxaana la rajaynayaa in Berri foog ay soo gabagaboobaan kulamadu oo wax kasoo baxaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.