Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faahfaahin socdaalka RW Itoobiya Ee Suudaan
    Somalia

    Faahfaahin socdaalka RW Itoobiya Ee Suudaan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 9, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,ayaa gaaray Magaalada Port Sudan,isagoo booqanaya dalka ay colaaduhu aafeeyeen markii ugu horreysay tan iyo markii ay colaaddu ka qaraxday Sannadkii hore bishiisii Abril.

    Sawirro ay baahisay warbaahinta Dowladda,ayaa muujinaya inuu la kulmay Madaxa Ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo hoggaamiyaha Milatariga Jeneraal Cabdul Fattax al-Burhan.

    Itoobiya oo xiriir dhow la leh Imaaraadka Carabta oo inta badan lagu eedeeyo in uu taageero Ciidamada RSF,ayaa haddana waxaa muuqanaya in Addis Ababa ay xiriir adag la lahayd Madaxda Ciidamada bilihii la soo dhaafay.

    Si kastaba ha ahaatee, khudbad uu dhawaan baarlamaanka ka jeediyay,Abiy wuxuu wacad ku maray in maamulkiisu uu ilaalinayo isla markaana aanu fara gelin ku sameyn doonin siyaasadda iyo arrimaha dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.

    Itoobiya lafteeda,ayaa hadda wajaheysa colaado dhinacyo badan leh balse waxa ay sidoo kale martigelineysaa Tobanaan kun oo rayid ah oo ka cararay dagaalka Suudaan.

    Ilaa hadda ma cadda in socdaalka Abiy in uu qayb ka yahay dadaallada lagu nabadeynayo Suudaan,iyadoo dagaallada socda ee u dhexeeya Ciidanka iyo RSF ay sii socdaan dad badanna ay ku dhimanayaan maalin walba.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.