Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faahfaahin weerarada Xagjiriinta Xamaas ku galeen gudaha Israa’iil
    Somalia

    Faahfaahin weerarada Xagjiriinta Xamaas ku galeen gudaha Israa’iil

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 7, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Weerarrada ay qaadeen kooxda Xamaas oo u muuqday kuwa qorshaysan,ayaa waxaa uu lahaa Labo Weji.

    Tobaneeyo Nin oo hubaysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas,ayaa u muuqda in ay gudaha u galeen Israa’iil.

    Raggan hubeysan,ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ay Israa’iil ka galeen dhanka Koonfureed,islamarkana ay weerar ku qaadeen Ciidamo Israa’iil ah oo halkaasi joogay.

    Weerarkan oo ahaa mid la yaab leh,ayaa waxaa uu kadis ku noqday Israa’iil, waxaan hal mar wada dhawaaqay Qalabka bixiya digniinada.

    Maleeshiyaadka,ayaa ku galay Israa’iil Mootooyin, waxaana jira warar sheegaya in rabshado ay ka dhaceen in ka badan Labaatan goobood.

    Raadiyaha Israel,ayaa sheegay in Soddon iyo Shan Askari oo Israa’iiliyiin ah la afduubtay,balse Israa’iil way ka gaabsatay arrinta Afduubka la sheegay in ay Xamaas fulisay.

    Wajiga labaad ee weerarka xamaas,ayaa ahaa mid dhanka Gantaalada ah oo ay Israa’iil ku gareen.

    Taliye sare oo ka tirsan Xamaas,ayaa ku andacoonaya in Kumannaan Gantaal ay ku garaaceen gudaha Israa’iil.

    Howlgalkan ayay kooxda Xamaas ugu magac dareen “Howlgalka duufaanta Al-aqsa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.