Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faahfaahin weerarka lagu qaaday Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho
    Somalia

    Faahfaahin weerarka lagu qaaday Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 13, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warar dheerada,ayaa ka soo baxaya is-rasaasayn ka dhacday gudaha xarunta xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku jiraan maxaabiis kala duwan.

    Sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Asluubta Gaashanle sare Cabdiqani Maxamed Khalaf, howlgalka ayaa la soo afjaray ka dib rasaas xooggan oo muddo saacad ka badan ka dhex socotay Xabsiga dhexe ee Xamar.

    Wuxuu Afhayeenku sheegay in ragga dagaalamayey ay tiro ahaan dhammaayeen shan ka tirsan maxaabiistii ku xirnaa Xabsiga.

    Afhayeen Cabdiqani,ayaa sheegay in raggii dagaalamayey oo shan ahaa dhammaantood lagu dilay dagaalkii ka dhacay goobta.

    Waxaa kale oo intaa ku diray in Ciidamadda ay ka dhinteen Saddex Askari halka dhaawucu uu gaarsiisan yahay 21 isugu jira maxaabiis iyo askar. Saddeex iyo tobban ka mida tiradaas waa maxaabiista sida uu Afhayeenku u sheegay.

    Sidoo kale Wararka,ayaa intaa ku daray in dadka dhaawaca uu ku jiro sarkaal ka tirsan qaybta Baanbayda ee Ciidanka Asluubta.

    Wuxuu intaa ku daray in ragga dhintay ay hore ugu tirsanaayeen ururka Al-shabaab basle ma bixin faahfaafin intaas ka dheer.

    Taliska Asluubtu wali war kama bixin sida Raggan ay ku sheegeen Maxaabiista ay ugu suura gashay in hub Gacantoodo galo ka dibna ay ku dagaalamaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.