Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faahfaahinta Shirka Sacuudiga Ee Wadamada Carabta iyo Islaamka
    Somalia

    Faahfaahinta Shirka Sacuudiga Ee Wadamada Carabta iyo Islaamka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 11, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sacuudi Carabiya,ayaa Sabtida maanta ah martigelineysa hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Muslimiinta oo shir aan caadi ahayn oo wadajir ah uu uga furmay magaalada Riyadh, iyadoo Boqortooyada Sacuudiga ay awooddeeda isugu gaysay si ay Mareykanka iyo Israa’iil ugu cadaadiso in la joojiyo colaadda Qasa.

    Hoggaamiyeyaasha jooga Riyadh waxaa ka mid ah Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi, kaasi oo la filayo in uu si adag u cambaareeyo duqeymaha Israa’iil ee Qasa, iyo in uu diro baaq ah in la joojiyo barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta.

    Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyib Erdogan, Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad oo horraantii sanadkan dib loogu soo dhaweeyay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shir madaxeedka.

    Raisi ayaa intii uusan gaarin Riyadh sheegay in la gaaray waqtigii wax laga qaban lahaa colaadda, halkii laga hadli lahaa.

    “Qasa maaha garoon lagu hadlo. Waa in ay noqotaa mid ficil ah,” ayuu yiri isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Tehran ka hor inta uusan dhoofin. “Maanta, midnimada dalalka Islaamka waa mid aad muhiim u ah,” ayuu raaciyay.

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee Tasnim ayaa sheegtay in Raisi uu soo jeedin doono in dalalka Muslimka ah ay Israa’iil ka mamnuucaan in ay hawadooda isticmaasho, ayna ka hor tagaan in Maraykanku uu saldhigyadiisa ciidan ee gobolka uu hubka uga soo raro Israa’iil.

    Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa Jimcihii cambaareeyay “waxa Marinka Qasa uu kala kulmayo weerarrada militari, beegsiga dadka rayidka ah, ku xad-gudubka sharciga caalamiga ah ee maamulka gumeystaha ah ee Israel”.

    Bariga Dhexe ayay xaalad cakirnaan ah ka taagneyd tan iyo markii dagaalyahannada Xamaas ay gudaha u galeen Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaasi oo ay ku dileen dad ka badan kun qof.

    Tan iyo markaasi, Israa’iil ayaa kordhisay weerarka ay ku hayso Qasa halkaasi oo ilaa Jimcihii lagu dilay 11,078 oo ka mid ah dadka Gaza kuwaasi oo 40% ka mid ah ay yihiin carruur, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta.

    Kala qeybsanaanta Carabta

    Dagaalka ayaa xalay ku sii xoogeystay meel ku dhow isbitaallada sida weyn u baaxdhaafay ee magaalada Gaza, iyadoo saraakiisha Falastiiniyiinta ah ay sheegeen in lagu garaacay qaraxyo iyo rasaas.

    Dagaalka ayaa wax xoogaa kala fogeeyay xulufadii soo jireenka ahaa ee Bariga Dhexe iyada oo Riyad ay si dhow ula xiriirto Iran, ka hortimid cadaadiskii Maraykanka ee ahaa in ay cambaareeyso Xamaas, islamarkaana hakisay qorshayaashii socday ee ay ku caadiyeyneysay xiriirka Israa’iil.

    Safarka Raisi ee Sacuudiga ayaa ah booqashadii ugu horeysay ee Madaxweyne Iiraani ah uu ku tago tan iyo markii Tehran iyo Riyadh ay soo afjareen sanado badan oo colaad ah ka dib heshiis uu Shiinuhu garwadeen ka ahaa oo ay gaareen bishii March.

    Wasiirada arrimaha dibadda Carabta, oo Khamiistii yeeshay shir degdeg ah si ay usii diyaariyaan shir madaxeedka Riyadh ka dhacaya, ayaa ku kala qaybsamay, iyadoo dalalka qaarkood, oo ay ugu horreyso Aljeeriya, ay ku baaqeen in la jaro dhammaan cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee ay Carabtu la leeyihiin Israa’iil, laba xubnood oo ka tirsan ka qeybgaleyaasha ay u sheegeen wakaaladda wararka Reuters.

    Waxa ay sheegeen in koox ka mid ah dalalka Carabta, oo xiriir diblumaasiyadeed la leh Israa’iil, ayaa dib u riixay dalabkaasi, iyaga oo ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in ay sii furnaadaan marinnada wadahadalka ee ay la leeyihiin xukuumadda Netanyahu.

    REUTERS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.