Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Axmed Madoobe iyo Xasan Shiikh oo isgaadaya??
    Somalia

    Faallo:-Axmed Madoobe iyo Xasan Shiikh oo isgaadaya??

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 14, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maanta waxaa la filayaa in Madaxwaynaha Jamuhuriyada Federalka Somaliya Mudane Dr Xassan Shiikh uu booqasho shaqo ku tago Magaalada Kismayo,waxaase la iswaydiinayaa muxuu yahay arrimaha hortabinta leh ee ku jiri kara Ajendeyaasha Madaxwaynaha.

    Ilo lagu kalsoonaan karo oo Madaxtooyada Somaliya ku dhow waxay muujinayaan in Madaxwaynuhu kala hadli doono Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Islaam arrimo la xiriira fulinta Qodobadii ku jiray heshiiskii NCC ee bishii May 2023.

    Qodobada laga filayo in Mudane Axmed kala shaqeeyo Madaxwaynaha Qaranka fulintooda waxaa kamid ah…

    1. In laga guuro habka Baarlamaaniga ah oo loo guuro habka Madaxwaynaha.

    2. In Dalku yeesho Laba Xisbi oo ku tartama hogaanka Dalka.

    3. In muwaadinimadii ku salaysnayd isirka laga dhigo mid ku kooban Jamhuuriyada.

    4. In Ciidanka Jubaland qayb kamid ah la Qarameeyo.

    5. Mudane Axmed Dagaalka Alshabaab ka qayb qaato.

    6. In Guddiga Doorashada Qaranka Labadii Xubnood ee uga mid noqon lahaa Jubaland uu soo magacaabo.

    7. In Dowlada Dhexe lagu wareejiyo Customska Dekada,Garoonka diyaaradaha iyo Arrimo kale.

    Dhamaan Qodobadan waa kuwii uu Mudane Axmed saxiixay bishii May 2023.

    Mudane Axmed wuu ka soo diiday kal hore Ra’iisalwasaaraha waxaana hada la iswaydiinayaa ma ka yeeli doonaa Madaxwaynaha?

    Sidoo kale ila wareedyo ku dhow mudane Axmed waxay sheegayaan in uu Qodobadan ku aqabali karo kali ah hadii Madaxwaynuhu ka ogolaado in uu Shan Sano oo cusub dib isu doorto.

    Su’aasha meesha taala waxaa weeye?

    1. Muxuu noqon doonaa go’aanka Madaxweyne Xasan hadii arrimahan laga diido ?

    2. Suuro gal matahay in Madaxweyne Xasan Mudane Axmed ka yeelo give and take. Adna shanta sano is dooro ana tayda ii fuli?

    Qore:-Cabdi Cali Raage.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.