Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Colaada ka dhex qaraxday Pakistan iyo Afgaanistaan
    Somalia

    Faallo:-Colaada ka dhex qaraxday Pakistan iyo Afgaanistaan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 12, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Pakistan haday Gacanta ugu jireen Taalibaanku,xaalku,waa ka duwan yahay sidaas xilligan.

    Mar ayay ahayd Pakistan daaqada kaliya ee ufuran Caalamka ee Taalibaan ay haystaan,maantase taasi waa laga gudbay oo caalamka oo idil,ayaa ufuran.

    Shalay hadii Taalibaan ay ahaayeen kooxo qaska Gobolka ay u adeegsato Pakistan Maanta,waa nidaam aqoonsi haysta oo leh diblomaasiyad iyo siyaasad arimo dibadeed.

    Hindiya oo loolan kula jirta Pakistan,ayaa durba ka faa’idaysatay kala taga Pakistan iyo Taalibaan,waxayna ufidisay Gacan soo dhaweyn Taalibaaniyiinta.

    Wasiirka arimaha dibada Taalibaan,ayay casuntay oo la joogay 8-Cisho,waxayna ku sharaftay…..

    1.Maqaam isle’eg oo diblomaasi iyo xiriir ku dhisan isqadarin isu dhigma.

    2.Kabul oo ay hada ku leedahay Hindiya Xaafiis Farsamo,waxay uballanqaaday W.arimaha dibada in ay ubadalayso Safaarad buuxda.

    3.Waxay dib ubilaabaysaa dhamaystirka mashaariic ay Gacanta horay ugu haysay Hindiya oo istaagay.

    4.Waxay ku wareejisay 20-Anbalaas W.arimaha dibada Afgaanistaan.

    Hindiya maxay ka rabtaa Taalibaan?

    1.Ka faa’idaysiga Macdanta halka Tirilyan lagu qiyaasay ee kaydka u ah Afgaanistaan.

    2.Ka faa’idaysiga Ganacsiga,gaar ahaan Wadada isku xiraysa Dekeda ay Iran ka dhistay Hindiya oo ay rabto in ay usii gudbiso Bartamaha Aasiya,iyadoon Pakistan aysan saamayn ku lahayn.

    1. Ku xuuxinta Pakistan.

    4.Soo afjarida kooxaha argagixisada ee Hindiya la dirira oo Taalibaanku horay utaageeri jireen.

    Hindiya danaynta ay danaynayso xiriirka Taalibaan,waxay ka gudubtay ilaalinta Dimuqraadiyada,xuquuqda aadanaha iyo xoriyada oo Taalibaanku ku hooseeyaan,waxaa xataa laga ilaaliyay Shirka jaraa’id Wariyayaasha Haweenka ah.

    Heshiiskan Taalibaanka,wuxuu uyahay wax weyn dhan walba….

    B.Waxay muujinaysaa in ay ka qaangaareen siyaasada arimaha dibada.

    T.Waxay muujinaysaa in ay ka gudbeen caadifadaha Diimeed iyo dhaqan oo ay dan Qaran uguureen.

    J.Waxay udirayaan Pakistan fariin oranaysa ( Ma nihin kuwaad taqaaneen).

    X.Waxay kaloo fariin udirayaan caalamka kale,taasoo ay ku leeyihiin ( Waxaan nahay Dad wax lagu darsan karo oo masuul ah).

    Sida muuqata Pakistan,waa looga adkaaday loolankii siyaasadeed ee Gobolka,waxaana lagu khasbay in ay colaad maamusho.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.