Xilligii loo baahnaa ayay ku bilaabatay Xasan,waxaana sii dilay fursadaha uu bixiyay.
Mucaaradka Xamar,waxay ka faa’idaysanayaan “Garab istaaga Shacabka iyo diidmada caburinta”.Waxay ugu yeereen.
Xabadii Saldhiga ka dhacday,waxay u ahayd fursad weyn oo uu bixiyay Xasan.
Waxaa kaloo sugaya furitaankii Baarlamaanka oo Wadnaqabad ku ah maadaama Xildhibaano 100 ku dhow abaabulan yihiin.
Ilaa iyo hada Xasan mid,waa looga guulaystay oo laga fashiliyay,waana Shirkii QM in uu tago,isagoo muujinaya Somali midaysan oo aysan jirin cid ka daba qaylinaysa.
Maalmaha soo socda,wuxuu isku dayi doonaa in uu Indhaha ka jeediyo Xamar oo ku jiheeyo PL iyo JL,isagoo isku sii dayn doona Kismaayo.
Sidoo kale,PL,ayuu isku dayi doonaa in uu buuq ka abuuro oo qolyaha Lacagta uga qaata Ciidan baan kuugu haynaa gudaha PL,ayuu amri doonaa in ay wax dhaqdhaqaajiyaan.