Ajandayaasha ay soo qoreen Wasiirada Xasan,waa wixii laysla ogaa oo mahan wax ka badalan.
Balse muhiimada,waa in la abaaraa,taasoo ah doorashada,waana halka ay udhimanayso oo Xasan meesha uga baxayo.
Hadii Xasan meesha ka baxo,wax alaale iyo wixii uu khalday,waa la sixi karaa oo ugu horeeyo dastuurka.
Dastuurku,waa muhiim oo laguma raacayo Xasan,waa lagu diidayaa qodobada uu taabtay,balse,waxaa muhiimada la siinayaa doorashadu in ay wakhtigeeda ku dhacdo.
Dastuurku,waa dood soconaysa oo aan joogsanayn.
Tusaale?
Farmaajo waxbuu ka badalay mana shaqayn.
Si la mid ah Xasan,waxbuu ka badalayaa mana shaqayn doonaan.
Xasan,wuxuu rabaa in dooda doorashada laga dhigo qodobka udanbeeya si uu uhelo fursad uu ku samaysto mudo kororsi.
” Wuxuu rabaa in Dastuurka lagu hormaro oo isku haysigiisa ay qaadato 3-bilood,kadibna qodobada kale,sidaa uu ku gaaro 6- bilood oo wada xaajoodku socdo laguna khasbanaado in mudo xileed kmg ah la siiyo hay’adaha fadaraaliga ah si aysan udhicin firaaq dastuuriya”.
Marka,waxaa laga rabaa GMS in aysan fursadaas siin oo ay toos u abaaraan qodobka hortabinta leh ee baahidiisu hada taagan tahay,kaasoo ah doorashada,waana in mudada yar ee harsan laga gaaraa isafgarad nidaam doorasho oo loo dhan yahay in lawada qaato.
Halkan ka akhriso:-

