Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Gabaldhaca AARAN-JAAN.!!WQ.M.Dirir
    Somalia

    Faallo:-Gabaldhaca AARAN-JAAN.!!WQ.M.Dirir

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 26, 2023No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaan marka hore hambalyo iyo bogaadin u dirayaa reer Puntland oo idil oo ay ugu horeeyaaan Madaxwayana iyo xukuumadiisa, Guddiga KMG ee Doorashooyinka iyo dhamaan shacab waynaha reer Puntland khaasatan intii codkooda ku ciil baxay.

    Waa maalin taariikhi ah oo hooyadii Federalku ay muujisay kaalinteeda hogaamineed ee siyaasad wadanka ayadoo hormuud unoqotay in ay taabo galiso nidaamka golayaasha deegaanka ee ay ku taamaysay ilaa maalintii la yegleelay. Hanaankaan doorasho ee maanta Puntland hirgalisay wuxuu tusaale iyo kudayasho u yahay dhamaan gobolada kale ee wadanka. KU DAYO PUNTLAND, KU DAYO.

    Hambalyo iyo marxabayn kadib waxaan rabaa in aan wax yar kadhaho khilaafka siyaasadeed iyo jahwareerka ka aloolsan gobolka Nugaal iyo siyaasiyiintiisa.

    Waxaan la soconay in maalmihii laso dhaafay aad la’iskugu khilaafsanaa hanaanka dooraashooyinka taagan iyo kuwa soo socda ee Puntland hase ahaatee siyaasiyiin badan oo kaso horjeeday ay ka gaabsadeen markay arkeen soo ifbaxa saxansaxada siyaasada iyo rabitaanka shacabka ee asbuucyadii igu danbeeysay sidaa darteedna awoodu ay raacday Madaxwaynaha iyo xukuumadiisa.

    Waxaan kale oo la soconaa halka group oo aan quusan, awoodna isbidayey ay ahaayeen groupka loo yaqaan Aaran Jaan oo isku naanaysa mulkiilayaasha Puntland.

    Dad badan baa is waydiinaya see ku dhacday Aaran Jaan oo isku naanaysi jirtay Mulkiilayaashii Puntland ama khadka dhexe ee siyaasada Puntland 15kii sano ee laso dhaafay in bilo kooban gudohood loogu dhufto shaabad qabiil iyo mid calooshood ushaqayste, looguna koobo awoodoodii labo ilaa sadex degmo.

    Jalaafada siyaasadeed ee lala helay Aaran Jaan;

    Shirqoolka iyo dibinta siyaasadeed ee Dani iyo xukuumadiisu umaleegeen Aaran Jaan iyo xulafadooda oo sidii la rabay u hirgalay. Shirqoolkaas oo ahaa in shacab waynaha Puntland khaasantan kan reer Nugaaleed in la tuso;

    – In Aaran Jaan yihiin saqiir siyaasadeed oo himilo iyo aragti fog toona lahayn.

    – In Aaran Jaan yihiin danleey siyaasadeed oo aanan Shacabka, Qabiilka iyo Gobolka toona maslaxadooda ka talinayn una soojeedin.

    – In Aaran Jaan siyaasad ahaan shacabka iyo gobolka ay kaso jeedaan aysan kasban karin, aysanna jihayn karin.

    – In Aaran Jaan awood iyo ismaquunin aan loo meel dayin ay wax ku raadinayaan, diyaarna uyihiin in ay dhiigga kan ladhashay, jifidiisa hoose iyo qabiilkiisaba ku daadiyaan.

    – In Aaran Jaan aysan awooda iyo saamayntii lamoodayey aysan kulahay shacabka iyo dhamaan gobolada iyo dagmooyinka Puntland aan ka ahayn Garowe iyo nawaxigeeda ama sikale hadii aan udhigo Gurigoodi Hooyo.

    Fa’iidooyinka Dani iyo xukuumadiisu kadhaxleen khilaafka Aaran Jaan iyo Dawlada Federalka;

    – Madaxwaynuhu wuxuu si xeeladaysan khadka iyo masraxa siyaasada uga saaray mucaaradkiisa iyo shikhsiyaadkii uu islahaa kursiga madaxtinimada bay kaa carqaladeen karaan.

    – Madaxwaynuhu wuxuu istusay Dawlada Faderalka ah iyo shacabka Puntland halkaas oo uu ka helay taageero mug leh, miisaankiisi siyaasadeenna meeshii ugu sareeysay abid gaarsiisay.

    – Shirqoolka Aaran Jaan loo maleegay iyo Jimcaale oo furunta so baneeyey kana soo baxay waxay keentay in dhamaan madaxda iyo haldoorka SSC ay Madaxwaynaha iyo xukuumadiisa u arkaan inay dhab ka tahay dagaalka iyo xoraynata gobolada SSC, siyaasiinta reer Nugaaleedna ay hagardaaminayaan halganka SSC ay kujirto sidaa darteena ay ku gowracan yihiin taageerida Madaxwaynaha iyo xukuumadiisa. (Dadka aan la socon siyaasada Puntland, SSC waa meesha laga go’aamiyo shaqsiga ku fariisanaya kursiga madaxtinimada Puntland).

    TALO SOO JEEDIN;

    > Culimada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo shacabka reer Nugaaleed waxaan leeyahay;

    ‘Hasha labada geeljecel midna gaariwayda, labo geed dhexdooda baa dhurwaagu ku cunaa’. Waxa lagu gorgortamayo waa masiirkiina iyo aayaha caruurtiina, dadka idinku gorgortamayana xataa caruurtoodu ma dagana wadanka. Waajib baa idin kasaaran in aa mustaqbalkiina iyo kan caruurtiina aa u fakartaan, waxii aan idiin cuntaminna ka hortimadaan Af iyo Adinba.

    Waxaa aad uso ifbaxaysa in maqaamkii iyo doowrkii lagu yaqaanay reer Nugaaleedka oo ahaa laf dhabarta Puntland uu aad uga hooseeyo meeshii lagu yaqaanay.

    > Aaran Jaan iyo xulafadooda waxaan leeyahay;

    Nin guri dhalo ah ku jira dhagax ma tuuro. Aduunkii waa hormaray oo xili qori caaradiis wax la’iskugu sheego waa ka gudbay. Shacabka horfariista oo fikirkiina siyaasiga ah iyo wax aad rabtaan in aad uqabataan umada uso bandhiga. Sidaa aragtaan manta AWOODU WAA SHACABKA. Shacbkiina aamina oo la’imaada siyaasad iyo aragti gadmi karta. Wadankuna 3 dagmo kawayn.

    Xasuusnaada qarniga la joogo qori caaradiis baan wax ku rabaa, wax dadka ka gadmaya ma ahan.

    > Dawlada Puntland waxaa leeyahay oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha iyo xukuumadiisa;

    Mas’uuliyada wadanka idinkaa udhaartay sidaa darteed waxaa la’idiin ka fadhiyaa in lala fariisto, ladhagaysto, la’na qanciyo stakeholders’ kale. Madhahayo halo dabranaado oo yaan talaabo laqaadin laakiin dabacsanaan iyo isku wad baa la’din ka baahan yahay. Mucaaradka iyo inta wax tabanaysaba waxay ka mid yihiin shacabkii aad u dhaarateen sidaa darteed in bulshada qeebaheeda kala duwan la’isku wado baa waajib idinka saran yahay.

    SHACABKA QAYBTIIS WAA DAWLADA BARI…

    By: Mohamed Dirir

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    June 29, 2025

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    June 29, 2025

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025
    Latest Posts

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.