Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Golaha Wasiirada cusub Ee Somaliland
    Somalia

    Faallo:-Golaha Wasiirada cusub Ee Somaliland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 14, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gole Wasiiro oo ka kooban 28-Wasiir,15 Wasiir ku xigeen iyo Sadex W.Dowle oo ubadan Dhalinyaro aan xilal hore soo qaban,ayuu Magacaabay Cirro.

    Wasaaradii Arimaha Gudaha ee muhiimka ahaan jirtay markay timaado Nidaamka SL,waa la burburiyay,waxaana loo qaybiyay Sadex Wasaaradood kala ah….

    B.Wasaarada Amniga oo ay hoos imaanayaan Sirdoonka iyo Booliska.

    T.Wasaarada Dowlada Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka oo ay hoos imaanayaan Degmooyinka.

    J.Wasaarada Dib udejinta oo ay hoos imaanayaan barakacayaasha iyo IWM.

    Yaa lagu qanciyay Golaha?

    B.Urur Diimeedka Ictisaam oo Door weyn ku lahaa Guusha Cirro,waxaana la siiyay Diinta iyo Awqaafta.

    T.Beesha Habar-Awal oo la siiyay 3-Wasaaradood oo (A).

    J.Beesha Dhulbahante oo lasoo celinayo.

    X.Beesha Warsangeli oo looga Mahadcelinayo rabitaankooda wada Noolaanshaha.

    Yaa lagu dulmiyay Golaha?

    Beesha Harti oo aan la siin Wasiir (A) ,isla markaana awood qaybsiga laga dhigay 15% in ay ka yihiin Dhul iyo Dadba SL.

    Yaan lagu qancin Golaha?

    B.Garxajis oo Kursiga Madaxtooyo helay 30-Sano kadib.

    T.Habar-jeclo oo la siin doono Talyaha Ciidamada Milleteriga oo ka dhaqaale badan Wasaarad walba.

    Si guud Golahan gaaraya 46-da Xubnood,waa ku badan yahay SL oo ma qaadi karto dhaqaale ahaan,waase ka maarmi waa ku salaysan qancin.

    Cirro talada,waa lala leeyahay,waxayna qaadan doontaa 50% in uu isxoreeyo ugu yaraan Labada Sano ee ugu horaysa mudo xileedkiisa.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.