Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo: Guuxa shacabka Puntland iyo Is-hilmaaminta Madaxweyne Deni ? (Sanad kaddib)
    Somalia

    Faallo: Guuxa shacabka Puntland iyo Is-hilmaaminta Madaxweyne Deni ? (Sanad kaddib)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 9, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay jeediyay khudbad ku aadan sanad kaddib Doorashadiisii waxa u qabsoomay Xukuumadda uu hoggaamiyo ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin Xaalada guud ee Puntland,  arrimaha khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka,  xariga Siyaasiyiinta iyo Odayaash dhaliilay xukuumadiisa, Hanaanka Dilmuquraadiyadda Puntland iyo arrimaha Xaduudaha.

    Madaxweyne Deni ayaa khudbadiisa xoogga ku saaray arrimaha Dilmuquraadiyadda Puntland, dhaqaalaha, tababarka Ciidanka iyo hirgelinta xerooyin cusub, diiwaan-gelinta shaqaalaha Dowladda iyo qodobo kale, isagoona sheegay inay dhamaan qodobadaas ay Xukuumadiisu ka gaartay guulo la taaban karro.

    Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiisay saxaafadda oo ku aadanaa fulin la,aanta xukunka Kiiskii Caa’isho Ilyaas, xariga odayaasha loogu geystay Boosaaso iyo Musuq-maasuqa ayaa si adag u difaacay Siyaasadda Xukuumadiisa, isagoona sheegay in dhamaantood ay si hufan uga qaadeen tilaabooyin.

    Hadaba, Maxay yihiin arrimaha Madaxweyne Deni uusan ka hadlin ee ka guuxaya Shacabka Puntland ?

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa u muuqday mid ka gaabsaday ka hadalkooda arrimo aad uga guuxaya Shacabka Puntland sanad kaddib doorashadiisii, kuwaas oo ay kamid ahaayee;

    1. Ammaanka guud ee Dowladda Puntland, gaar ahaan Gobollada Sool, Sanaag, Cayn iyo Bari.

    2. Heeshiiskii lagu fashilmay ee PD world iyo halka uu ku dambeeyay balanqaadkiisii ahaa in ka hor sanadka 2020 la bilaabayo.

    3. Xiriirka Dowladda Dhexe iyo Dowladda Puntland, oo uusan Madaxweynuhu cadeyn marka laga soo taggo dhaliilo uu jeediyay sharciyo Labada aqal ee Baarlamaanku ansixiyeen.

    4. Sheegista Khayraadka Dabiiciga ah ee lagu bedelanayo dhismaha kaabaayashaa dhaqaalaha ee dalka ee ay qaadanayaan Shirkadda Caalamiga ah, sida Shirkadda CCECC ee dhisi doonta laamiga isku xira Degmada Dangorayo iyo Degmada Eyl.

    6. Iyo Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland.

    Madaxweynaha Puntland Ayaan si nabadda intii uu jeedinayay khudbadiisa sanadlaha ah soo hadal qaadin qaar kamid ah qodobada aan kor kusoo xusnay, halka kuwo kale uu dulmaray, Dadka falanqeeya siyaasadda Puntland ayaana aaminsan in Madaxweynuhu uu khudbadiisii xalay diirada ku saaray waxyaabaha la filanayo mustaqbalka iyo inuu marin habaabiyo guuxa sanadkiisii hareeyay siyaasadda Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.