Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo ku saabsan khudbadii Xasan Shiikh Ee Cashada Villa Somaliya
    Somalia

    Faallo ku saabsan khudbadii Xasan Shiikh Ee Cashada Villa Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 30, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud,ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal uu la galo madaxda Jubbaland iyo Puntland, si uu uga qanciyo khilaafka kala dhexeeya, ugalana dooddo qorshihiisa doorashada qof iyo codka ah, taas oo aan la ogeyn halka ay ka dhacayso.

    Xassan Shiikh oo casho sharaf u sameeyay xalay, qaar kamid ah xildhibaanada labada aqal ee BJFS, ayaa si la yaab leh uga hadlay damaciisa ku wajahan dalka, iyo burburinta hannaan dowladeed ee Soomaalidu ku heshiisay.

    Marnaba sooma hadal qaadin diidmadiisa gogasha Garoowe, ee uu fidiyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni intii lagu guda jiray munaasabaddi caleema-saarka Deni ee bishii January 2024.

    Maalmo kahor xubno aqoonyahano ah oo iskood isku xilqaamay, kulana kulmay Garoowe Madaxweyne Deni, si loo dhameeyo khilaafka DFS iyo Puntland ayaa ku eedeeyay Xassan in uu ka xirtay albaabada, xilli intii ay joogeen caasimadda Puntland uu u wakiishay u kala dab qaadista isaga iyo Deni.

    Baaqa wadahadallada Xassan Shiikh,ayaa loo arkaa mid uu ku jahwareerinayo shacabka Soomaaliyeed iyo safiirada Beesha Caalamka oo cadaadis ku saarayay todobaadyadii u dambeeyay in uu joojiyo isku daygiisa ku wajahan burburinta dalka iyo kala daadinta nidaamka dowladeed ee Soomaalida.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.