Xeebaha PL Juquraafi ahaan,waa muhiim,gaar ahaan hadii dagaal weyn ka qarxo caalamka Wadanka haysta,ayaa guulaysan kara.
Maxay yihiin danaha Imaaraadka ee Puntland?
1.Imaaraadku,wuxuu garoonka Bosaso ku leeyahay saldhig Ciidan oo difaac u ah danahiisa amni iyo dhaqaale….
B.Waxay maalgalin farabadan ku sameeyeen Dekedaha iyo garoomada Bosaso iyo Berbera,iyagoo galiyay Lacag ku dhow $1billian.
T.Imaaraadku,wuxuu ka ilaalsadaa Maraakiibta Qaadda shidaalka iyo xamuulka ee kasoo baxa Dekadaha Dubai.
J.Imaaraadku,wuxuu qayb ka yahay Dowladaha ka hortaga isku milan-ka kooxaha Xuutiga, IS iyo AS.,kuwaasoo uu ka dhaxeeyo tababar iyo hub isasiin.
X.Imaaraadku,wuxuu ilaalsadaa muhiimadda marinka Baabul-mandab ee gacanta Caddan iyo Badda Cas.
Kh.Imaaraadku,waxay ilaashadaan Garoonka Bosaso oo ku yaal meesha ugu muhiimsan Somaliya iyo geeska Africa oo ah halka laga galo Qaaradda,Hawada,Badda iyo dhulka
Maxay PL ka faa’idaa xiriirka UAE?
PL,waxay kula shaqaysaa Imaaraadka heshiis Milleteri oo rasmi ah,kaasoo Mw DFS Xasan Shiikh saxiixay 2023,halka heshiis kale oo la dagaallanka Burcad badeeda ah uu saxiixay 2011 Mw Faroole.
PL,waxay ka heshaa Imaaraadka…..
- Ilaalinta guud ee Xeebaha,ladagaalanka argagixisada iyo burcad badeeda.
- Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Dekaddaha, garoomada iyo Wadooyinka,sida dhamaystirka Jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo.
- Dhismaha xarumaha Dowladda sida Saldhigyadda iyo bixinta mushaarka Ciidanka Booliiska iyo shaqaalaha.
4.Bixinta magdhowga hawlgalka Calmiskaad Ciidanka ku dhinta iyo daryeelka agoonta ay ka tagaan.
5.Gargaarka iyo deeqaha hay’adda bisha cas ee abaaraha iyo dadka danyarta ah.
6.Tababarka Ciidamada Puntland.
7.Qayb ka qaadashada dagaalka Daacish ee Buuraha Calmiskaad.
8.Bixinta Diyaaradaha garaacista ka fuliya Buuraha Calmiskaad.
Muhiimada Imaaraadku,waa in uu haysto Bosaso wax walba oo ay ugu kacayso.
PL,waa umuhiim xiriirkeeda Imaaraadka oo majiro Wadan uga mudan in ay ku xirnaato xilligan xasaasiga ah ee aan la jiri karin garab la’aan.
Yaa PL kula loolamaya Imaaraadka?
Waxaa aad udanaynaya Maraykanka iyo Turkiga.
Maraykanku dhan Imaaraadka,waa Gacmihiisa mid ka mid ah oo uu adeegsado,hadana kuma faraxsana in uu marti uga noqdo PL oo wuxuu ka leeyahay xuduud.
Turkigu,waa fahansan yahay muhiimada Deegaamada PL si walba uu iskugu dayay in uu soo galana,waa usuuroobi wayday oo xataa waxaa socon waayay heshiiskii Xasan usaxiixay.
Turkigu,wuxuu wadaa is balaarin caalamka Islaamka ah,isagoo raba in marti looga noqdo oo wax laga waydiiyo,isla markaana uu dago goobaha Juquraafiga ah ee Baddaha iyo Birrigaba.
Imaaraadka,ayaase uga dheereeyay PL,waana halkaas halka loolanku ka imaanayo iyo dacaayadaha Imaaraadka lagu furayo si shacabka PL loo nacsiiyo.
Hadafka Turkigu,waa in Imaaraad laga saaro PL kadibna isagu la wareego.
